4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Ururka SOLJA oo Walaac ka muujiyey Khilaafyo ka jira Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa  sheegay inay ka Walaacsan yihiin khilaafka soo noq-noqday ee ka Taagan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

“SOLJA waxay walaac xoogan ka muujinaysaa khilaafka soo noqnoqday ee ku gedaaman Wasaaradda Warfaafinta, kaasoo saamayn ku yeeshay wariyayaasha ka hawl-gala, kuwaas oo marar kala duwan cabashadoodu soo gaadhay SOLJA, balse ay xukuumaddu gacanta kula jirtay”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay SOLJA oo ku saxeexan yahay gudoomiyaha ururkaasi Maxamuud Xuuto.

“Nidaamka dowladeed ayay tahay in mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-galaa kala yeeshaan masuuliyadahooda kala duwan, isla markaana wax qof kasta saaran masuuliyadiisa gaar ah, sidaas daraadeed dhawaaqyada SOLJA ka soo gaadhaya khilaaf u dhaxeeya bahda wasaaradda warfaafintu waa mid muuqaal xun ka bixinaya haykalka Dawladdnimo. Dhacdada lagu xidh xidhay toddobada wariye waa mid ay masuuliyadeeda yeelan doonto cidii samaysay khaladka keenay inay isku dhacaan Ciidanka Amniga iyo Wariyayaashu”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

SOLJA waxay dhinacyada ugu baaqday in la ilaaliyo isla markaana la ixtiraamo sharafta wasaaradda Warfaafinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala, waxaana loo baahan yahay wasaaraddu inay noqoto mid khilaafkeeda loo Maareeyo si qoto-dheer.

Si kastaba ha ahaatee, khilaaf muddo soo jiitamayey oo ka jira mas'uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa keentay in 7-wariye oo ka tirsan Wasaaradda warfaafinta uu wasiirka Warfaafintu amro in xabsiga loo tabaaxo, inkastoo markii dambe saacaddo kooban ka dib la siidaayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland