4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Askar Ciidanka Dowladda Somalia ka Tirsanaa oo ku Dhintay Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, waxaana uu qaraxan qayb ka noqonayaa qaraxyo dhowr ah oo maanta la qarxiyay.

Cap. Maxamed Xuseen oo booliiska Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa ay askartan ku dhinteen uu ahaa miino lagu aasay meel ay dadku ku badan yihiin oo ka  tirsan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

“Qaraxa waxaa lala bartimaameedsaday ciidamadeenna oo goobta miinada ay ku aasnayd marayay, dhowr askarina dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qaraxa,” ayuu Cap. Maxamed Xuseen yiri, isagoo aan sheegin cid shacab ah oo wax ku noqotay Qaraxa.

Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia lagu dilay ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo tan iyo markii ay ka baxday Muqdisho ka geysanayay caasimadda Qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Weerarkan Qarax ee lagu dilay saddexda askari ayaa kusoo beegmaya xilli shalay lagu dilay Muqdisho guddooomiye ku xigeenkii siyaasadda iyo amniga ee degmada Wadajir, C/fataax Barre, iyadoo mas’uuliyadda dilka mas’uulkan ay sheegatay Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kaddib baaritaanno ka sameeyay Suuqa Bakaaraha, mana jirto cid ay u soo qabteen, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay lagu dilay Suuqa Bakaaraha mas’uuliyiin dowladda iyo Ahlusunna horay uga tirsanaa.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM ee caawinaya ayaa weli ka Talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, inkastoo sannadihii ugu dambeeyay magaalooyin waaweyn laga saaray.

Ugu dambeyn, howlgallo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika uga jawaabayeen dilkii guddoomiye ku xigeenkii degmada Wadajir ayay ku Qab-qabteen howlgal ay degmadaas ka sameeyeen gellinkii dambe ee xalay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya