4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Ururka Midowga Afrika oo Xukuumada Burundi ka dalbaday inay dib u dhigto Doorashooyinka


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday xukuumadda dalka Burundi inay dib u dhigto doorashada la qorsheynayo inay dhacdo bisha Juun ee nagu soo foolka leh, inta laga xallinayo deggenaasho la’aanta siyaasadeed ee  dalkaas ka taagan.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma oo kula hadashay warbaahinta magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegtay in xaaladda kacsan ee ka taagan dalkaas aysan suuro-gal ka dhigi karin in dalkaas ay ka dhacaan doorashooyin.

“Waa noocee doorasho lagu qaban karo xaalad la mid ah Tan ka taagan Burundi? Haddii aan nahay Midowga Afrika waxaan qorsheynaynay inaan guddi goob-joogayaal ka noqda doorashooyinka Burundi aan u dirno, balse taasi suuro-gal ma noqon karo hadda. Waayo xaaladda taagan ma ahan mid saamixi karta in doorashooyin la qabto,” ayay tiri Dlamini Zuma.

Dalka Burundi ayaa waxaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dibad-baxyo rabshado wata, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan toban ruux oo isugu jira ciidamo iyo shacabkii mudaaharaadyada ka qayb-galay, boqolaal ruux oo kalena xabsiyada ayay xukuumaddu u taxaabtay.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Burundi, Agathon Rwasa oo Warbaahinta kula hadlay Bujumbura ayaa sheegay inaysan suuro-gal ahayn in doorashooyin aan lagu qaban karin Burundi, maadaama ay rabshado xoogeysanaya ka socdaan.

“Iyadoo dalku uu xaaladdan ku jiro uma maleynayo inay doorashooyin ka dhici karaan, waayo xaaladdu aad ayay u xun tahay,” ayuu yiri Rwasa oo intaas ku daray in isagu uu soo jeedinayo in doorashooyinka dib loo dhigo si xal looga gaaro xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Burundi.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo xalay war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegay inuu u tartamayo markii saddexaad xilka madaxnimo ee Burundi, wuxuuna meesha ka saaray inuu go’aankiisa dib uga laabanayo.

“Waxaanu amarnay la sameeyo wax walba oo lagu suuro-gelin karo inay ka dhacdo dalka doorasho nabadeed, waxaana beesha caalamka iyo kuwa kale ee gobolka u xaqiijinayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyin hufan oo si nabdoon u dhaca,” ayuu yiri Nkurunziza.

Dhanka kale, hal qof ayaa ku dhintay, sagaal qof oo kalena dhaawcyo ayaa kasoo gaaray dibadbaxyo rabshado wata oo Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi. Iyadoo dibadbaxayaashu ay ku eedeynayaan madaxweynaha inuu ku xad-gudbay dastuurka dalkaas.

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in madaxda Afrika ay dhawaan ku yeeshaan magaalada Darusalam ee dalka Tanzania kulan ay kaga xaajoonayaan sidii xiisadaha ka taagan dalka Burundi loo qaboojin lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya