4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
FAAHFAAHIN: Munaasabaddii Caleemo-saarka Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland (SAWIRRO)


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Tadros Adhanom, Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey, Wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo Madax kale ayaa maanta kasoo Qayb-galay xafladdii Caleemo-saarka guddoonka baarlamanka Cusub ee Jubbaland.

Ka hor imaatinkii Wafdiyada;

Ka hor intii aysan imaan wafdiyada kala duwan, waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka Guud ee magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo aad u tiro badan lagu daadiyay dhammaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saaka magaalada lagu soo rogay Bandow, iyadoo loo diidayay dadka iyo gaadiidkaba in ay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan.

Gudaha garoonka Kismaayo ayaaa waxaa ku sugnaa boqollaal qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo, madaxda maamulka Jubbaland, kooxaha fanka iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo loo diyaariyay soo dhaweynta wufuuddii kala duwanayd ee maanta soo gaartay magaalada Kismaayo.

Imaatinkii Wufuudda:

Diyaaraddii ugu horreeysay oo siday Wasiirrada Arrimaha Dibadda Kenya iyo Itoobiya, iyo madax ka socotay beesha Caalamka ayaa soo gaartay garoonka, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland, ku-xigeenkiisa iyo mas'uuliyiin goleyaasha Baarlamanka iyo Wasiirada Jubbaland ka mid ah.

Diyaaraddii xigtay ayaa keentay wafdii uu hogaaminayay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland iyo shacabkii garoonka ku sugnaa.

Soo dhaweyn kaddib waxaa wufuudda kala duwan la geeyay xarunta Caymiska, Halkaasoo ay kaga qayb-galeen xafladdii caleemo-saarka Baarlamanka cusub ee Jubbaland.

Wasiirrada arimaha dibadda Kenya, Itoobiya iyo madaxdii ka socotay beesha Caalamka ee madasha ka hadashay ayaa dhammaantood soo dhaweeyay baarlamanka cusub ee Jubba, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo hore loo qaaday, balana-qaaday in ay garab istaagi doonaan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo isna madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray maamulka, isagoo xusay sheegay in imika uu maamulku marayo in uu dhisto baarlamankiisa, arintaa oo uu xusay in ay ku timid dadaal iyo waqti badan oo ay geliyeen.

Ugu danbeyntii madaxweeynaha Soomaaliya oo khudbad kusoo afmeeray munaasibadda ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Jubbaland Baarlamanka cusub ee uu yeeshay, isagoo xusay in haddiii la dhisay baarlamanka aysan ahayn in maamulkii howlihiisii ay dhamaatay balse la doonayo buu yiri in la qanciyo cid walba oo wax tabaneeysa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya