4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Abwaan Nidaamiye oo Maanta Muqdisho lagu Aasay iyo Mas'uulyiin ka Qayb-galay (SAWIRRO)


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — ALLAHA u naxarsitee Abwaan Maxamed Cumar Nuur (Nidaamiye) oo shalay ku geeryooday Muqdsiho ayaa maanta lagu aasay gudaha Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galay wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos), xubno ka tirsan dowladda iyo ehellada marxuumka.

“Marxuum Maxamed Cumar waxaan u ahay adeer laakiin inta badan isku meel ma joogin, balse wuxuu ka mid yahay dadka wax-taray dalka, wuxuu ahaa af-maal, wuxuuna ka mid yahay dadka u soo halgmay dalka, wuxuuna taariikh wanaagsan ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed, kolleey waa la dareemi doonaa kaalintaas. waxaana rajaynayaa in in ALLE uu jannadiisa ka waraabiiyo,” ayuu yiri Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo aaska ka hadlay.

Sidoo kale, wasiir-u-dowlaha Warfaafinta Somalia Maxamuud Cabdi Beekos oo ka hadlay Aaska ayaa wuxuu tacsi uu diray dhamaman ehelladii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Maxamed Cumar Nidaamiye.

“Anigoo uu ku hadlaya magaca Wasaaradda Warfaafinta waxaan halkaan tacsi uga diraynaa ehelladii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuumka waxaana leeyahay samir iyo iimaan ALLE ha naga siiyo, isla markaan wuxuu ahaa abwaanku sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, muddo badanna dalka u soo shaqeeyay,” ayuu yiri Beekos.

Ugu dambeyn, marxuum Maxamed Cumar Nuur (Nidaamiye) oo ka mid ahaa abwaannada Soomaaliyeed, wuxuu ku dhashay degmada Dhuso-mareeb ee gobalka Galgaduud sannadkii 1939-kii, isagoo wax ku bartay Beydhabo.

Wuxuu marxuumku ku biiray Ciidamada Somalia oo uu ka Gaaray Darajada Korneyl, sidoo kale wuxuu ahaa abwaan Heesaha Alifa; isla markaana Laxameeya. Muddooyinkii dambena wuxuu ahaa agaasimaha wacyigelinta wasaaradda Warfaafinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya