4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
XASAN SHEEKH: Madaxda Jubbaland waa inay xalliyaan cabashada ay Qabaan Beelaha Qaarkood


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Kismaayo ayaa Khudbad ka jeediyay Xaflad lagu Caleemo-saarayay Guddoonka baarlamaanka Jubba ayaa inuu ku faraxsan yahay in maanta la caleemo-saaro Guddoonka baarlamaanka Jubba, isagoo horumarradii la gaaray uga warbixiyay xubnihii munaasabadda kasoo Qayb-galay.

Xasan Sheekh ayaa xusay in horumarka la gaaray ay daliil cad u tahay inay Soomaaliya ka baxayso marxaladihii lasoo maray, isagoo sheegay in lagu sifeyn karo horumarka la gaaray yadiddiilo wanaagsan oo horseed u ah xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

“Waa inaan isku sabarnaa oo aan fiirinno mustaqbalka dadka Soomaaliyeed, isl amarkaana aan ka fekerno halka aan u soconno iyo mustaqbalka berrito, waxaana loo baahan yahay in wixii shalay aan tusaale ka qaadanno oo aan u sabarno maslaxadeenna… maankana ku heynaa maxaan berri u baahan nahay… xageen wax ka qaldameen iyo sidii lagu xalliyaa,” ayuu Xasan ku yiri khudbaddiisa.

Madaxweyne Xasan oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysay ayaa wuxuu maamulka KMG ah ee Jubbaland ugu baaqay inay badiyaan tanasulka isla markaana ay is-dhageystaan kana soo baxaan go’aamo wax dhisaya.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in beelaha deggen Jubbooyinka qaarkood ay qabaan cabasho, waxaana loo baahan yahay in mas'uuliyiinta maamulka ay xalliyaan cabashooyinkaas, lana qanciyo beelahaas maadaama mas’uul ay ka yihiin; ayna xubnooda ku biiriyaan maamulka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya