4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2015
Kulan lagu Qiimaynayay Barnaamijka New Deal-ka oo Maanta lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, May 07, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta furay kulanka billaha ah ee looga hadlo New Deal, waxaana shirka kasoo qayb-galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, maamullada ka jira dalka, qaar ka mid ah danjirayaasha Beesha Caalamka, wakiillo mata-layay Midowga Yurub iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Caynte ayaa saxaafadda uga warbixiyay waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay inay ka mid yihiin mashaariic dowladnimada Soomaaliya lagu horumarinayo, kuwaasoo lasoo marsiiyay barnaamijka New Deal-ka, waxaana ka mid ah mashaariicdaas buu yiri kuwo dhaqaalaha dalka lagu horumarinayo iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeeddada shirkan billaha ah waa sidii horay loogu sii amba-qaadi lahaa barnaamijka New Deal. Waxaan shirka ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro-dhalinta barnaamijka, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid tahay in wali aan la gaarin ujeeddooyinkii muhiimka ahaa New Deal-ka ku xusnaa. Dhaliisha jirta ka sokow ujeeddada maahan dowladda Soomaaliya inay ka baxayso heshiiskii la gaaray 2013-kii; waxaana rabnaa in la dar-dar-gelino hannaanka New Deal-ka,” ayuu yiri wasiirka qorshaynta Somalia.

Caynte oo sii hadlayay ayaa yiri. “Waxaan aad ugu qanac-sanahay inaan is-faham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u-dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideenna gudbisano, sida aan rabnana naloo taageero.”

Ugu dambeyn, wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Caynte ayaa sheegay inay xukuummadda Somalia wado qorshe lagu dar-dar-gelinayo New Deal-ka, isla markaana looga faa’iideynayo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in shacbiga iyo dowladuba ay aad ugu han-weyn yihiin fa’iidada ka dhalata hannaanka New Deal-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya