4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2015
Prof. Dufle oo Bulshada Soomaaliyeed uga Digay Khatarta Cabista Sigaarka & Cudurada ka dhasha


Axad, May 31, 2015 (HOL) — Iyadoo Maanta ay Bishu tahay 31-ka Maajo 2015-ka ayna tahay maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ayaa Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo uga digay shacabka Soomaalliyeed Cabista Sigaarka iyo cudurrada ka dhasha.

Prof. Dufle ayaa sheegay in guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama dadka isticmaala tubaakada lagu qiyaaso 1.45 bilyan qof. Isagoo xusay in ku dhawaad hal bilyan oo dhiganta (80%) ayuu sheegay inay ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo sheegay in Cabista Sigaarka Ragga uu ku badan yahay Qiyaastii shan jeer tan haweenka.

“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho deg-deg ah ama cimri-gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 6 milyan-qof, in ka badan 5 milyan waa dadka caba sigaarka iyo kuwii horey u cabi jiray, halka 600,000 ay yihiin dadka aan cabin sigaarka,” ayuu dhakhtarku yiri.

Wuxuu kaloo dhakhtarku sheegay in sigaarka laga helo 12 maaddo oo kiimiko ah kuwaas oo dhalin kara cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide iyo Amooniyo) waxaana kaloo ku jira ayuu yiri dhakhtarku maadada Nicotin-ka oo sababa in la Qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.

“Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayay iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay yaraan karto,” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Prof. Dufle.

Sidoo kale, wuxuu xusay in cabista sigaarka uu sababo 25 cudur oo ay ka mid yihiin kuwa  ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sheegay inuu sababo cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la'aanta ragga iyo haweenka intaba.

“Sigaarku wuxuu caawiyaa  cudurka gastritis wuxuuna badiyaa  laab-jeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku  jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Waxaa intaa ku daray dhakhtarku in 85% uu Ragga ku keeno Caniinimo ama raga-nimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg dga ah.

“Xagga maskaxda wuxuu Horseedaa hurdadoo yaraata, Deggenaansho la'aan iyo Qaybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca; taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay” ayuu mar kale yiri Dr. Dufle.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu dhakhtarku sheegay 20-kii sano ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xaddi leh u kordheen tirada sigaarka cabta gaar ahaan dadka da'da yar. Waxaa kaloo kordhay ayuu yiri dadka shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

Ugu dambeyn, Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhamaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keenayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya