4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Maanta Gaaray Cadaado (SAWIRRO)


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Socdaalka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno kale, waxaaana safarkoodan uu kusoo beegmayaa xilli lagu wado inuu berri oo Axad ah degmadaas ka furmo wajigii labaad ee shirka lagu soo dhisayo maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug.

Jen. Diini iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Cadaado ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Galgaduud iyo Qaybaha Bulshada, iyadoo soo dhaweynta kaddib loo Qaaday Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, Halkaasoo uu kula Qaadanayo kulammo mas’uuliyiinta Maamulkaas.

Ugu dambeyn, degmada Cadaado ayaa waxaa ka socda shirka maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud oo ka mid ah kuwa Gobollada Dhexe ee dalka, inkastoo shirkan uu la kulmay Caqabado kala duwan.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya