4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
SAWIRRO: Xaflad ku saabsanayd Is-dhex-galka bulshada & bixinta Canshuuraha oo ka dhacday Jowhar


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Munaasabad ku saabsan is-dhexgalka Bulshada iyo bixinta canashuuraha ayaa lagu qabtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo ay ka qaybgaleen ku-simaha guddoomiyaha degmada Jowhar, isla markaana ah ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray; kaalinta Bulshada kaga aaddan ka qayb-qaadashada horumarka dalka, sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u Qabsoomay maamulka dagmada Jowhar.

Xafladda ayaa waxaa kaloo goobjoog ka ahaa qQybaha bulshada iyo qaar ka mid ah ururka haweenka gobolka, dhallinyarada, iyo Wax-garadka, iyadoo intii ay socotay Xafladda lagu soo Bandhigay Suugaan ka Hadlaysa bixinta Canshuuraha iyo ka Qayb-galka Is-dhexgalka Bulshada.

Ku-simaha guddoomiyaha Jowhar, Xasan Bocor ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa isagoo shacabka ku nool Jowhar ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka deegaanka iyo degmada.

Sidoo kale, Xasan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin aminga, waxbarashada, caafimaadka, nadaafada, bixinta canshuurta, dayactirka wadooyinka iyo in la badin doono nalalka cad-ceedda ku shaqeysa, isagoo ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka Degmada inay u is-taagaan ka Qayb-galka Horumarinta dalkooda.

“Magaalada Jowhar waa amni, waxaadna la socotaan in Qiimayntii lagu sameeyay nabad-galyada magaalooyinka ay kaalinta koowaad ka gashay Jowhar,” ayuu yiri Xasan Bocor.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku ammaanay madaxda gobalka, kan degmada iyo shacab ku nool inay isku duuban yihiin, horumarka iyo nabad-galyada ka jirtana ay Suuro-gal ku noqotay wada-shaqaynta ka dhexaysa shicibka iyo maamulka.

Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Jowhar ayaa wada-shaqeyn dhow la leh dadka ku nool qaybahooda kala duwan, iyagoo dhawaan booqasho ku sameeyeen iskuulada waxbarashada ee degmada Jowhar, waxayna sidoo kale soo agaasimeen olole nadaafadeed oo ay ka qayb-qaateen Ardayda iyo Bulshada Jowhar ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya