4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
Madaxweynaha Jubaland oo kormeeray guryo ku burburay roobab ka curtay Degmada Kismaayo
Sabti, May 30, 2015 (HOL) —Ayadoo shalay ilaa maanta ay magaalada Kismaayo ka da'ayaan roobab xooggan oo biyo dhigay dhammaan wadooyinka muhiimka ah ee mara magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku burbureen guryo ay daganaayeen dad danyar ah, ayuu madaxweeynaha Jubbaland booqday goobaha ay saameynta ku reebeen roobabka ee magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha ayaa kormeeray goobaha ay daganyihiin dadka barakacayaasha oo qaadeen daadad, isagoo sidoo kale socod kusoo maray wadooyinka ay xireen daadkii ka dhashay roobabka.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u gurmad doonaan dadka ay waxyeelada kasoo gaareen daadadka ka dhashay roobka, waxa uuna ka codsaday hay'adaha samafalka in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadkaasi.

Roobabkan ayaa qeyb ka ah roobabka xilliga Gu'ga, ayadoo ay kusoo beegmeen xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka jireen kuleeylo, waxaana dadka intooda badan ay aad usoo dhaweeyeen roobabka ka curtay degmada, walow ay saameeyn ku yeesheen dadka ku jira xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.