4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
PUNTLAND oo Cambaareysay Qaabka ay Somaliland ula dhaqantay Qaxootiga ka yimid Yemen
Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Puntland ayaa cambaareysey go'aankii Somaliland dib uga celisey qaxootigii ka yimid dalka Yemen ee maalmo kahor soo gaarey magaalada Berbera.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyda Puntland ayaa lagu sheegay inaysan munaasib ahayn in la kala sooco dad dhibaateysan islamarkaana u baahan in gurmad bini'aadamnimo loo fidiyo.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qaabilaadda iyo soo dhoweynta qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo ajaanibta ee kasoo cararaya colaadda ka aloosan dalka Yemen.

HOOS KA AQRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya