4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2015
HADLIYE: In Qof Somali ah loo diido inuu dalkiisa ku soo dago waa wax ka hor-imaanaya Sharciga


Sabti, May 30, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa cambaaraysay kala Soocid la sheegay in Somaliland ay ku sameysay Qoxooti Soomaaliyeed ee kasoo cararaya colaadda ka taagan Dalka Yemen.

Qaxootiga ayaa la sheegay in doontii siday ay kusoo xirtay Dekedda Berbera, balse loo diiday inay kasoo degaan, tallaabadaas oo dowladda Somalia ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in tallaabadan ay ku kacday Somaliland ay tahay mid aad u fool-xun oo aanu weligii maleysan karin inay dhacayso.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dadka Soomaaliyeed ee kasoo qaxaya Yemen, qaar ka mid ahna la soo dhaweeyo kuwo kalena loo diido, haddii sidaas ay xaaladdu tahay waxaan ku tilmaami lahaa mid aan loo dulqaadan karin,” ayuu yiri Hadliye.

Sidoo kale, wasiirku ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay labaduba xaq u leeyihiin in lagu caawiyo qoxootiga ay soo dhaweynayaan, isagoo xusay in sidoo kale ay ka hortagaan kooxaha argagaxisda ah ee kusoo dhex-dhuumanaya dadka kasoo cararaya colaadaha.

“Somalida waxaa magan siiya Gaalo iyo Muslim, marka waxaa la yaab leh in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu yiraahdo dad Somali ah oo Dalkooda kusoo laabanaya in loo diido inuu kasoo dago Dekedda,” ayuu yiri Hadliye.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay in sharciga caalamiga ah uu qabo in qof walba oo Soomaali ah uu degi karo kuna noolaan karo Soomaaliya oo dhan, waana wax laga xumaado oo laga yaqyaqsoodo in Somaliland ay kala soocdo Shacabka Soomaaliyeed.

“In dad kasoo cararay dhibaatooyin in la yiraahdo dalkeenna kama soo degi kartaan waa wax kasoo horjeeda Islaamnimada, Soomaalidnimada iyo sharciyada adduunka, marka waxaan ku talinayaa in dadka nasiibka u yeeshay inay colaadaha ka socda Yemen kasoo baxsadaan lagu soo dhaweeyo dekedaha dalka oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray Hadliye.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli Toddobaadkii hore ay si rasmi ah Somaliland ugu dhawaaqday inay joojisay qaabilaadda Qoxootiga Soomaalida ah ee kasoo cararaya colaadaha Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya