4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
SAWIRRO: Jaamacad Cusub oo Lagu Magacaabo UCT University oo Maanta laga Furay Muqdisho


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Jaamacad cusub oo loogu magac-daray University College of Technology (UCT) ayaa maanta laga furay Muqdisho, iyadoo Xafladdii furitaanka ay ka Qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadaha dalka, Dalladaha Waxbarashada, Aqoon-yahanno, ururrada dhalinyarada, kuwa Bulshada, Haween iyo marti-sharaf kale.

University College of Technology (UCT) ayaa bixinaysa Takhsusaad gaar ah oo ay ka mid yihiin; Computer Science ayaa waxaa Warbixin ku saabsan Jaamacadda kasoo jeediyay munaasabadda guddoomiyaha Jaamacadda, C/llaahi Shiikh Ciise isagoo yiri.”Jaamacadda UCT waxay bixinaysaa kooorsooyinka kala ah; Bachelor Science Computer (BSC) oo Saddex sanno ah, Bachelor Computer Application (BCA) oo isla saddex sano ah iyo Bachelor Science Computer Network oo iyana saddex sano ah.“

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in Jaamacada UCT ay bixin doonto koorasyo ay ka mid yihiin; (Newly  Computerised System With  Integrated Labs, New CISCO Routers and Switches iyo A Library With  Huge Collection af Books. Wuxuuna intaa ku daray in Jaamacadu ay waxbarashadaas u diyaarisay Qalab Casri ah oo ardayga u sahlaya inuu si fudud wax ku barto.

Xubnihii kale ee Xafladda ka Hadlay Waxaa ka mid ahaa; Cali Salaad (Cali Ubax) oo ka tirsan Bahda Waxbrashada wuxuuna xusay inay soo dhaweynayaan Jaamacada cusub ee UCT  oo uu sheegay inay tahay Jaamacad wax badan kusoo kordhinaysa  baahida loo qabo Barashada Cilmiga Computer Science-ka, isagoo mas’uuliyiinta Jaamacadda ku boorriyay inay ku ballaariyaan Jaamacadda guud ahaan dalka.

Axmed Abshir Geedi oo bulshada rayidka ah ka socday ayaa sheegay inuu soo dhaweeyay dhaweeyay furitaanka Jaamacadda UCT oo uu sheegey in furitaankeeda uu kusoo beegmay Xilli loo baahnaa; maadaama waxa wax lagu qabsanayo caalamka maanta ay ka mid tahay Tiknoloojiyada casriga ah, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Waxaa kaloo iyaguna ka hadlay xafladda, Maxamed Xasan Diiriye (Maxiile), Inj. C/qaadir Cali Diiriye ( Subxaanyo), Nuuro Cali Maxamed, C/qaadir Ciise Faarax oo dhammaantood ka socday Bahda Waxbarashada Dalka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay Furitaanka la furay Jaamacadda, iyagoo xusay in culuunta ku baxaysa ay yihiin kuwo baahi weyn looga qabay dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda UCT, Cabdinaasir Cali Geedi oo soo xiray munaasabadda furitaanka ayaa yiri. ”Furitaanka Jaamacadaan waxay ku timid markii Aqoon-yahanno Soomaaliyeed ay ogaadeen in dalka uu baahi weyn uu u qabo  barashada Tiknolojiyada Casiga si loola jaan-qaado Caalamka iyo waxa ka socda, iyadoo intii xafladu socotay ka qayb-galayaasha ay Maweelinyay Abwaanno Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya