4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
In ka badan 30 qof oo ku Geeriyootay dagaallo ka socda soohdinta Itoobiya iyo Soomaaliya

Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo ilaa waqtigan ka soconaya deegaanno ka tirsan xadka gobolka Galguduud uu la wadaago deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalladan oo ah kuwo culus ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beelleed iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ee  [Liyuu Booliis-ka] kuwaa oo lagu eedeeyay in ay dil iyo dhac u geysteen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanno ku yaalla dhinaca xadka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Galguduud ee dowladda Soomaaliya Xusseen Cali Weheliye Cirfo oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ciidammada Liyuu Booliiska weerar ku soo qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin, Kheydar iyo Isma-dhawa, halkaa oo ay ku dilleen sidda uu hadalka u dhigay dad xoolo dhaqato ah.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in arrintan wal wal xoog leh ka qabaan, islamarkaana gaarsiiyeen saraakiisha Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM, kana suganayaan jawaabta ay ka bixiyaan.

Qeybo ka mid ah goobaha caafimaadka gobolka Galguduud ayaa saacadihii ugu danbeeyay la soo gaarsiiyay dhimashada iyo dhaawaca dadkii waxyeelladu ka soo gaartay dagaallada soconaya, waxaana wararku intaa ku darrayaan in wali la maqlayo rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Liyuu Booliiska iyo dadka ku dhaqan deegaanada ku teedsan xuduuda gobollada Galguduud iyo Hiiraan ayaa marar badan oo hore soo noq noqday, ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ay arrintan kasoo saartay dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya