4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2015
Safaarada Itoobiya ee Kenya oo Xustay Sanad-guuradii Wareegtay Aas-aaskii Xisbiga EPRDF


Jimco, May 29, 2015 (HOL) — Safaaradda dowlada Ethiopia ay ku leedahay dalka Kenya, ayaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal-daggaayay Maalinta Qaranka Itoobiya. sidoo kalana lagu xusaayay xiligii la aas-aasay Xisbiga Kacaanka Dimuquraadiyadda ee dadka Itoobiya oo magaciisa loo soo gaabiyo EPRDF ama (Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front) oo ah kana hada hayo talada wadankaas.

Xaflada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya Xildhibaanka Aadan Bare Ducaale, ayaa waxaa ka hadlay Safiirka Itoobiya u fadhiyo Kenya- Dina Mufti, oo ka sheegay munaasabadaas in Xisbiga EPRDF uu soo maray marxalado kala duwan. Isla markaasna uu yahay kan gundhiga u ah horumarka ka jiro Itoobiya.

Mufti, ayaa intaas ku daray in Dimuquraadiyadda iyo ilbaxnimada uu xisbigaas gaarsiiyay Ethiopia ay tahay mid laga dareemi karo xadaarada iyo isbadalka ka jiro dalkaas.

Mar uu ka warbixinaayay doorashadii dhawaan ka dhacday Itoobiya, ayuu sheegay Danjiruhu iney cod-bixintu u dhacday si xalaal ah oo wax isdaba marin aynan ku jirin.

Dhanka kale xuskaan, ayaa ku soo beegmaayo ayadoo axadii aynu soo dhaafnay doorashadii ka dhacday Itoobiya ay Xisbiga mucaaradka ee lagu magacaabo MEDREK uu sheegay in taageerayaashiisa la qasbay, isla markaasna uu ku tilmaamay cod-bixintaas mid aanan cadaalad aheyn. Hogaanka wadankaasna uu ku eedeyay kaligii talis aanan ogoleyn tartan furan.

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa marka laga tago wadanka Nigeria, ayaa ah wadan dhaqaalihiisa iyo  horumarkiisu uu soo wanaagsanaanaayo balse aynan ka jirin inta badan xorriyadda hadalka iyo midda fekerka.

Midowga Yurub, ayaa dhawaan diiday iney ka qeyb galaan oo kor joogayaal ay ka noqdaan doorashadii ka dhacday dalkaas, balse Kormeerayaashii ka socday Midowga Afrika oo sameyay qiimeyn horu-dhac ah, ayaa ku tilmaamay Cod-bixintu iney aheyd mid si xor ah u dhacday.

Xisbiga EPRDF oo la aas-aasay bishii May ee sanadkii 1988, ayaa waxaa horay u hogaamin jiray Ra'iisal Wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia Meles Zenawi, wuxuuna Xisbigaan oo Itoobiya xukumaayay ilaa sanadii 1991 uu ahaan jiray mucaarad hubeysan ka hor intunan qabanin hogaanka wadankaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya