4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia oo Maanta taageertay shirka ka socda Baladweyne (Sawirro)


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Agaasimaha Waaxda Dib-u-hishiisiinta ee Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Fedeeralka Soomaaliya, Daahir Warsame Fiidoow oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay Shir-weynaha dib-u-hishiisiinta iyo aayo ka talinta gobolka Hiiraan ee ka socda Baladweyne.

Agaasimaha ayaa sheegay Afartii casho ee la soo dhaafay kulamo kala duwan uu la Qaatay odayaasha beelaha ka qeyb-galaya kulanka, iyo guddiyo kala duwan oo u xil saaran xalinta khilaafaadka oo dhamaantood isku raacsan ka qeyb-galka shirka.

“Odayaashii iyo waxgaradkii aan la kulmay dhamaantood waxaa ay ii sheegeen in shirku si wanaagsan ku socdo, mudadii uu socdayna beellaha qaar is af-garad ka gaareen colaadii u dhaxeysay, ma jirin wax cabasho ah oo ay ii sheegeen odayaasha,” ayuu Daahir Warsame ku yiri hadalka uu jeediyay.

Daahir Warsame ayaa sidoo kale shaacisay inuu kulamo kala duwan la qaatay guddigii loo saaray xal u helida colaada deegaanka Deefoow, isaga oo ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay wax u marayaan.

“Guddiga loo saaray in xal u helidda Colaada Deegaanka Deefoow runtii wax Wanaagsan ayeey ii sheegeen, waxaanan fileynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro colaada labada dhinac,” ayuu yiri Agaasimaha.

Dhinaca kale ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan Cali ayaa ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya inaysan kasoo bixin Kaalintii uga Aaddanayd Shirka ee laga Filayay, isagoo intaa ku daray in Bulshada ku dhaqan Gobolkaan Hiiraan ay markii horeba garteen inay shirkaan qabtaan kana tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

“Dowladda Somalia illaa iyo hadda Shirkan Taageeradii uu uga baahnaa kama uusan helin, marka laga soo tago booqashada Agaasime ka tirsan Wasaarrada Arrimaha Gudaha, sidaa daraadeed waxaan leenahay dowladda haddii u baahan tahay shacabka gobolka ku dhaqan waan soo dhaweyneynaa, haddiise ay ka maaranto bulshada iyaga ayaa tashan doona ayuu yiri'' ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka.

Ugu dabeyn, waxaa lagu wadaa in dhawaan la Gudo-gallo Wajiga Labaad ee Shirka oo ah mid lagu gorfeyn doono Arrimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya