4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta kasoo horjeestay Heshiishkii ay Xisbiyadu Gaareen


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hor yimid heshiishkii xisbiyadda ka gaadheen khilaafkii golaha Guurtidda ee  ay doorashadda usoo rareen inay dhacdo December,15,2016.

Guddoomiyaha golaha Guurtidda ayaa sheegay inay ka hor yimaadeen go’aan dastuuri ah, isla markaana aanay xaq u lahayn xisbiyaddu inay wakhtiga doorashadda cayimaan.

“Waxaanu maqlaynay in saddexda gudoomiye ee Axsaabta qaranku ay isku raaceen inay  doorasho qabanayaan bisha December ee sanadka 2016-ka. Ma ogin sharciyad asxaabta  siinaya muddo kordhin. Muddo kordhinta hay’adda qudha ee dastuuriga ah ee qarankan wax kordhin kartaa waa golaha guurtida. Golaha guurtiduna doorashada waxay ka dhigeen bisha March ee 2017-ka. Madaxweynaha iyo Komishanka qaranku bisha March ee loo cayimay meesha ay ka dhigayaan maalinta doorashada waa u fasax, laakiin cid kale oo dastuurku xaq u siiyay muddo kordhini ma jirto” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud.

Saleebaan ayaa sheegay in aan laga noqon Karin go’aankooddii mar haddii doorashaddu wakhtigeeddii dhici Karin, waxaanu yidhi “Xukuumadda maanta joogta ee Madaxweynaha uu ka yahay Siilaanyo, tii hore waxay kaga eeg tahay 27-ka July 2015, haddii ay doorasho qaban kari waayeen,  wixii sharciga iyo dastuurku bixiyeen waxa weeye in loo hogaansamo go’aanka golaha guurtida, sharciyadda qaranku waa kaas".

“Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa in Sharcigii Qaranku kaas yahay, Awoodana Golaha Guurtidu leeyahay, Qaranna wuxuu ku dhaqmaa waa sharciyad, Allahayow sharci la’aan hana badin uu ninkii doonaaba samaysanayo Awood uu Sharciga ku Maroorsado,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Golaha Guurtidu go’aan uu Sameeyay Weligii lagama Daba-tagin, xataa Madaxweynuhu ma saxiixo ee sidaas ayuu ku dhaqan galaa oo ku socdaa go’aanka guurtidu laakiin doorkan waanu degdegnay, golaha guurtidu wuu degdegay” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye Gacan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida eeo markii horaba ka soo hor-jeeday in muddo dheer loo kordhiyo xukuumadda.

Hase yeeshe, xildhibaanadda golaha Guurtidda ayaa intoodda badan aaminsan yihiin inay Khalad tahay in Go’aankooda laga Hor-yimaaddo, isla markaana Cidda Keliya ee Muddo kordhin samayn karta tahay golaha Guurtidda

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland