4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Goobihii Waxbarashada Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo loo xiray Amni-darro Awgeed


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 95 dugsi oo ka mid ah kuwa Waxbarashada ee Gobolka Waqoyi-bari Dalka Kenya ayaa loo Xiray sababo la xiriira Ammaanka, sida ay uu Shaaciyay Wasiirka Waxbarashada Kenya.

Wasiirka Waxbarshada Kenya, Jacob Kaimenyi ayaa sheegay inuu amray in Maamullada Iskuulladaas iyo Guddiyada Waxbarashada Gobolka Waqoyi-bari Kenya ay la Xiriiraan taliyaasha ciidamada amniga si loo maareeyo xiridda iskuullada oo arrin amni ku timid.

“Haatan waxaa xiran 12 dugsi sare iyo 83 dugsi hoose/dhexe ah oo dhamaantood ku yaalla Magaalooyinka Mandhera, Wajeer iyo Gaarisa,”ayuu yiri wasiirku ku yiri hadal uu maalin ka hor jeediyay.

Xirnaanshaha dugsiyadan ayaa waxaa sababay cabsi laga qabo in Weerarro lagu soo qaado, sida weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa bishii la soo dhaafay horaanteeda, halkaasoo ay ku dhisay 148-qof oo arday u badnaa.

Weerarkaas ayaa Sababay in Ardaydii ka Badbaaday ay Xukuumaddu Kenya u Wareejiso Jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret si ay Waxbarashadooda halkaas uga sii wataan.

Sidoo kale, inta badan Macallimiintii Wax ka dhigi jiray Dugsiyada ku yaalla Gobolka oo ka badan boqol dugsi ayaa diiday inay halkaas kasii shaqeeyaan iyagoo shaaciyay inay u baqayaan ammaankooda.

Jaamacadaha ku yaal Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa iyagana la geeyay ciidammo fara badan oo booliis ah si ay Amniga Ardayda iyo Xarumahaas Jaamacadeed u sugaan; kaddib weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha dalka Somalia waxay weerarro is-xiga ka geysanaysay Gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku dhisay Dad isugu jira askar iyo shacab reer Kenya ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya