4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2015
Wafdiga Xukuumadda Somalia uga Qayb-galaya Shirka shaqaalaha Adduunka oo Maanta dhoofay


Khamiis, May 28, 2015 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo sii mari doona Dalka Kenya, Halkaasoo ay Kulammo kula qaadan doonaan Deeq-bixiyayaasha Caalamka, iyagoo uga sii Gudbi doona Magaalada Geneva oo uga Qayb-gali doonaan Shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Adduunka.

Magaalada Nairobi ayuu RW ku xigeenku barri kulmi doonaa deeq-bixiyeyaasha caalamka ee taageera Soomaaliya, wuxuuna warbixin ka siinayaa horumarka ay samaysay dowladda Somalia iyo warbixinno ku aadan meelaha mudnaanta u leh in laga caawiyo.

“Waxaan doonaynaa inaan caalamka la wadaagno Gaabiska ku yimid barnaamijkii Somalia loosoo marinayay deeqaha ee New Deal, kaasoo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kaloo deeq bixiyayaasha Caalamka uga Warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero,” ayuu yiri Carte.

Sidoo kale, RW ku xigeenka ayaa Magaalada Geneva ee waddanka Switzerland uga qayb-galaya shirka 104-aad ee Shaqaalaha Adduunka, Shirkaas ayaa waxaa looga hadalyaa sidii ay u noqon lahaayeen shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel dhexaadka ah wax-soo saarna leh, lana yimaada shaqo abuur iyo ilaalinta shaqaalaha dunida ; iyadoo dabagal lagu samaynayo cahdigii Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO) ee la saxiixay Sannadkii 2008-dii.

Ugu dambeyn, shirka Shaqaalaha Adduunka ee Sannadkan ayaa waxaa ka qayb-galaya 185 dowladood oo xubno ka haa Ururka ILO, waxaana Sannad kasta la qabtaa horaanta Bisha Juun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya