4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
SHARIIF XASAN oo Maanta Baydhabo la kulmay Wariyeyaasha ka Howlgala G. Bay (SAWIRRO)


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa maanta kulan la Qaatay Wariyeyaaha ka Howlgala Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, isagoo uga tacsiyeeyay Wariyeyaashii lagu dilay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale u mahad-celiyay suxufiyiintii lasoo shaqeeyay maamulkiisa, isagoo ka Codsaday Wariyeyaaha Baydhabo inay si dhow ula Shaqeeyaan Maamulkiisa si loogu adeego shacabka ku nool deegaannada uu Maamulkiisu Xukumo.

Wariyeyaasha Baydhabo ayaa dhankooda cabasho u jeediyay Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, iyadoo kulnka ay Goob-joog ka ahaayeen Wasiirro maamulka ka tirsan oo uu ka mid ahaa; Wasiirka Warfaaafinta Koonfur-galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aaadan ayaa wada howlo uu ku bedelayo Maamullada heer gobal iyo heer degmo ee maamulka uu madaxda u yahay ee Koonfur-galbeed; isagoo howshan la kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo golihiisa Wasiirrada.


Hiiraan Online, Baydhabo