4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Maanta ka Dooday Arrimaha Qoxootiga & Amniga (Sawirro)


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay uga doodeen Amniga, arrimaha Qoxootiga iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka ka hortaga Lacagaha Sharci-darrada.

Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka Warbixiyay Arrimaha Amniga isagoo xusay in dowladdu ay Xoojinayso Howlgallada ka dhan ka ah Al-shabaab, Ciidamada ku jira Aagagga hore ee Dagaalka ay Habeen iyo Maalin u Taagan yihiin sidii dalka ay u difaaci lahaayeen, isla markaana jab gaarsiiyay nabad-diidka.

Sidoo kale, Jen. Diini ayaa ka hadlay safar gaabaan oo uu ku wehliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay shalay ku Tageen qaar ka mid ah furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

"Madaxweynaha Somalia wuxuu kulammo la qaatay ciidamada iyo Saraakiisha hogaamisa ciidamadaas, wuxuuna ballan-qaaday in ciidamada ka dagaallamaya Aw-dheegle la siinayo abaal-marin. Ciidamada kale ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalkana dowladdu mar kasta ayay u taagan tahay inay daboosho baahidooda mid qalab iyo mid nololeed,” ayuu Wasiir Diini ku sheegay Warbixintiisa.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Ceel-cade oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasna looga dilay ciidammo faro badan, Waxaana Dagaalkaas horumuud ka ahaa dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dalka.

Dhanka kale, shirka Golaha Wasiirrada Somalia ayaa looga dooday Hindise Sharciyeedka ka Hortaga Been-xalaalaysiga Lacagaha sharci-darada, sharcigan ayaa ujeedkiisu yahay ka hor-tagga dambiyada ka dhashay lacagahaas iyo lacaga ay isku gudbiyaan Dambiilayaasha, Waxaana lacagahaas ay ka yimaadaan dalal shisheeye iyadoo aan la soo marsiin  hay'adaha maaliyadeed ee  dalka. 

Xubnaha Golaha Wasiirada Somalia ayaa dood-dheer kaddib soo jeediyay in lagu sameeyo sharcigan dib u eegis, waxaana iska kaashanaya garyaqaanka guud ee Qaranka, La-taliyaha Arrimaha Sharciga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Khubaro ka Socota Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatay oo ka tirsan guddiga gargaarka Qoxootiga kasoo Qaxaya Yeman ayaa Golaha uga Warbixisay Hawsha Guddigu ay qabteen; iyadoo sheegtay inay ku howlan yihiin sidii loo samato-bixin lahaa Qoxootigaas, Siyaasadaha lagu dhaqayo maadaama ay isugu jiraan; Dad Yemaniyiin ah, kuwo jinsiyado kale sita iyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Qoxooti ku ahaa Yemen.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Somalia ayaa u Mahad-celiyay, Cabdi Cali Faarax oo ah Ganacsade Soomaaliyeed kaasoo ugu deeqay Markab lagu soo Daad-gureeyo Dadka kasoo cararaya Yemen, Waxaana Golahu soo jeediyay in la guddoonsiiyo Shahaado Sharaf.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya