4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2015
Xisbiyada Somaliland oo Aragtiyo kala duwan ka qaba sii socodka Wadahadallada Xukuumadda


Arbaco, May 27, 2015 (HOL) — Wejigii sadexaad ee Wadahadalka u socda Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday xalay, taasoo aan habayaratee laga soo saarin qodobo lagu heshiiyey oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Xisbiga mucaaradka ahaa ayaa isagu iskaga soo baxay shirkaasi socday, isla markaana sheegay in wada hadalkaasi burburay, isagoo bulshadda Somaliland iyo beesha caalamka soo dhoweynayaa cid kasta oo xal siyaasi ah ka gaadhi karta.

“Wadahadalkaasi wuu burburay, waxaana bulshadda Somaliland iyo beesha caalamka soo dhoweynaynaa cid kasta wax ka qaban karta inay soo gasho”ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Hase yeeshee, xisbiga UCID iyo Kulmiye ayaa iyagu sheegay in wada hadalkaasi burburin, balse xukuumadda iyo xisbigeedu dalbateen in wakhti la siiyo si cidii ay khuseysay iskala soo eegaan, isla markaana arrin bisil shacabka u iclaamiyaan.

“Wadahadalkaasi ma burburin, laakiin xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ayaa codsaday in wakhti gaaban oo 24 saac ugu yaraan ugu badnaana 48 saacadood la siiyo si waxaasi loogu heshiiyey u iclaamiyaan”ayuu yidhi musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID C/rashiid Xasan Mataan.

“Wax wadahadal ah oo burburay ma jiro ee xisbiga WADDANI ayaa isaga baxay, aqlabi-yaddii Xisbiyadu way joogaan oo UCID iyo KULMIYEba way Fadhiyeen, Waxaana isla waafaqnay in wakhti gaaban nala siiyo si aanu arrinta u soo bisleyno,” ayuu gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Kaahin yiri.

Gogosha Wadahadallada oo Xukumaddu fidisay ayaa labadii cisho ee hore ka qabsoomay Hoteelka Ambassador, Hase ahaatee Kulankan ayay Xukuumaddu u soo leexisay Hoteelka Maansoor, laakiinse bacda Qadadii ayaa Xubnaha Wadahadalka ugu jira Mucaaradka iyo Xukumadu u kaceen guriga Madaxweyne ku xigeenka halkaasoo wadahadalku uga socday, kuwaasoo ku gaadhay illaa Xalay, laakiinse Wax natiijo ahi ka soo bixin Wadahadalkaasi saacadaha badan socday .

Mucaaradka iyo Xukumadda Somalia ayaa isku mari waayay sannad iyo tobanka bilood ee loo kordhiyay Xukumadda iyo Golaha Wakiillada, iyadoo Xukuumaddu ku Adkaysanayso in uu yahay Go’aan Sharci ah oo Guurtidu Gaadhay, Halka Mucaaradku ku dhagan yahay muddada halka sanno ah ee Komishanka doorashooyinku hore u soo jeediyay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland