4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Somalia oo Maanta la kulmay Gudiga Maareynta Maaliyada Dowlada


Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa Maanta la kulmay Guddiga Kormeerka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda Somalia oo ka kooban; Wasiirka Maaliyada, Wasiir-u-dowlaha Maaliyada Xafiiska RW-ha, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xiriiriyaha Maamulka Maaliyadda, Hanti Dhowrka Guud iyo Xeer Ilaalinta Qaranka.

Guddigan ayay shaqadiisu tahay kormeerka Habsami u socodka Nidaamka iyo Maareynta Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo jihaynayo Maareeynta Maaliyadda Dalka iyo sida loo Isitmcaalayo.

"Maareynta Maaliyadda Dowladda waa Qaab cusub oo la doonayo in Dib-u-habayn loogu sameeyo Maaliyadda Dalka, waana nidaam wax-tar u leh in la helo isla-xisaabtan dhab ah. Nidaamka Maareynta Maaliyadda Wuxuu ka Turjumayaa Higsiga Dowladda ee Sannadka 2016-ka oo ah in Wadanka la gaarsiiyo Hufnaan iyo Isla-xisaabtan dhanka Maaliyadda ah," ayuu yiri Carte.

Sidoo kale, RW ku xigeenka ayaa intaas raaciyay in barnaamijka Maareynta Maaliyada uu leeyaha barnaamij xisaabeedka (FMIS) oo lagu Diiwaan-galinayo habka uu u soo xarooda dakhliga iyo kharashka ka baxa dowladda.

"Barnaamijka FMIS hadda ayuu ka dhaqan-galay Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe, xisaabyaha guud, dekedda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Adan Cade," ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Mudane Carte ayaa xusay in Xukuumaddu ay Awooda saarayso in Sanadkan dhamaadkiisa Wasaaradaha dowladda Somalia laga hirgalinayo nidaamkaan, isla markaana la tababarayo shaqaalaha la doonayo inay ku shaqeeyaan nidaamkan cusub.

"Waxaan soo jeedinayaa in shirkan kan xiga ay kasoo qayb-galaan Wasaaradaha Gaadiidka iyo midda Dekedaha, maadaama ay dekedaha iyo garoomada Diyaaradaha hoos-yimaadaan labadaas wasaaaradood," ayuu yiri mar kale yiri RW ku xigeenka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia oo ka hadlay kulanka ayaa wuxuu sheegay in Barnaamijkan uu yahay mid loogu talo-galay inuu Xoojiyo dakhliga dowladda iyo sida loo maamulo kharashka soo gala iyo kan baxaya.

"Isticmaalka nidaamkan wuxuu xoojinayaa in kor loo qaado canshuuraha barriga oo dakhli badani kasoo xaroodo, Isagoo isku xiraya meelaha canshuurta lagu qaado iyo Wasaaradda Maaliyadda," ayuu yiri Fergeeti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya