4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Dalladda FEPNS oo Maanta soo Gabagabeysay Sanad-dugsiyeedka 2014/2015 (SAWIRRO)


Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Dalladda Waxabarashada Ahliga ah ee FENPS (Formal Education Network for Private Schools) ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabatay xaflad lagu soo Gunaanadayay Sannad-dugsiyeedka 2014/2015, laguna soo dhaweynayay Sanad-dugsiyeed Waxbarasho ee 2015/2016.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo Qayb-galay Mas’uuliyinta Dalladaha Waxbarashada ee dalka ka jira, Bulshada Rayidka, Jaamacadaha, Ururrada Waxbarashada, Waaliddiinta iyo Ardayda Wax-ka-barata Iskuullada ay maamusho Dalladda FENPS. 

Waxaa xafladda warbixin ka jeediyay Guddoomiyha Dalladda Waxbarashada ahliga ah ee FENPS, C/qaadir Ciise Faarax oo sheegay in ardayda Imtixaanaadka u fariistay sannadkan ee dalladda FPENS ay gaarayaan 22,000, kuwaasoo uu xusay in 48% ay ahaayeen Gabdho, halka 52% ay iyaguna ahaayeen Wiilalal.

“Dalladda FENPS waxay sannadkan waxbarasho dadban siisay dad gaaraya 7,400-qof oo u badan Dadka Barakacayaasha ah, Waxaana inoo Qorsheysan in Sanadaha soo Socda aanu Dadka ka faa’iideysan doona Waxbarashada Dadban Gaarsiinno illaa 15,000 oo qof,“ ayuu yiri guddoomiyaha FPENS.

Xubnihii kale ee xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa; C/rashiid Dhaqane oo ka socdey Dalladda SAFE oo Sheegay in marka ay Is-kaashadaan oo Xiriir joogta ah uu  dhex-maro Macallimiinta iyo Waaliddiinta ay Waxbarashada Dalka Meel Wanaagsan gaari karto, isla markaana la helayo Arday dhinac walba ka dhisan.

Sidoo kale, Waxaa xaflada ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socday daladaha Waxbarashada ee dalka ka jira, kuwaasoo iyaguna ka hadlay sidii Waxbarashada Dalka loo gaarsiin lahaa heer ka wanaagsan heerka ay maanta marayso oo ay ku tilmaameen inay tahay mid aad u wanaagsan.

Ugu dambeyn, Waxaa Munaasabadda ka hadlay mas'uuliyiin ka socday Jaamacadaha; SIU, Muqdisho, Himilo, Imaam, Hilaal, UCT, Plasma iyo City, iyagoo DALADDA FENPS ugu hambalyeeyay sida ay u soo gunaanaday Waxbarashada Sannad-dugsiyeedka 2014/2015, Waxayna u soo jeediyeen inay dadaalkooda Waxbarashada dalka halkaas kasii wadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya