4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
DAAWO: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Safar ku tagay Magaalada Kismaayo

Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa intii uusan iman kahor waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusii sugayay, Madaxweynaha Jubba, xubno ka tirsan goleyaasha baarlamanka iyo wasiirada maamulka Jubba, ururrada bulshada rayidka ah, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo.

Sharma'arke ayaa markii uu kasoo dagay garoonka, waxaana soo dhaweeyay, madaxda ugu sareysa ee maamulka Jubbaland, isagoo salaan la dhexqaaday, bulshadii kala duwanayd ee u timid soo dhaweyntiisa, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka.

Intaasi kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay raysul wasaaraha waxaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada ee Kismaayo, Halkaasoo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland; iyadoo kulanka kaddib ay mas'uuliyiintu si wadajir ah ula hadleen warbaahinta iyagoo ka Warbixiyay ujeeddada safarka wafdiga uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Sheegay inuu u yimid Kismaayo Arrimo badan oo uu Xusay inuu kala hadli doono madaxda maamulka Jubbaland, isagoo carabka ku dhuftay inuu si gaar ah ugala hadli doono madaxda  Jubbaland arrinta dastuurka iyo sidii uu dalka uga gudbi lahaa Dastuurka KMG-ka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya