4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Dagaal ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaan hoostaga Degmada Buula-burte

Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Dagaal culus oo Sababay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo gacan millatari ka hellaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab deegaan lagu magacaabo Ceel-bacaad oo 15 km dhinaca Bari kaga beegan degmada Buula-burte.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdullaahi Barre ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada ayaa HOL u sheegay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelbacaad, waxaana uu sheegay in ay ku dilleen weerarka toddoba ruux oo ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab.

C/llaahi Barre ayaa sheegay in Howl-galkan yahay mid ka duwan kuwii hore uuna socdo Qorshe Al-shabaab looga saarayo dhamaanba deegaannada ay ka maamulaan gobolka.

“Waxaan ka dilnay Al-shabaab toddoba ruux, annaga dhinaceena khasaaraha nasoo gaaray aad ayuu u yar yahay waxaa dhaawac fudud uu naga soo gaaray hal askari oo kaliya, ayuu yiri'' sarkaalka u hadllay ciidammada dowladda.

Marar badan oo hore ayeey siddan oo kale ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab ugu dagaallameen deegaanno hoostaga ama ka tirsan degmada Buula-burte, illaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab ka soo saareen Dagaalka Maanta dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya