4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Booliiska Kenya oo sheegay in 13 Askari oo booliis ah ay ku maqan yihiin Weerarkii Al-shabaab

Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegtay in 13 Askar oo ka mid ah ciidamada booliiska dalkeeda ay ku maqan yihiin weerar gaadmo ah oo ay xalay ku qaaday Al-shabaab Kolonyo Ciidamada Booliiska Kenya ah oo marayay Deegaanka Yumbis oo ku dhow degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Saraakiisha booliiska Kenya yaa sheegay in ka badan 20-askari oo booliis ah in lagu dilay weerarkii xalay ka dhacay gudaha Kenya, iyadoo weerarkan uu noqnayo kii ay ku dhintaan dadkii ugu badnaa weerrada ay Xarakada Al-shabaab ku Qaadayso Gudaha Kenya wixii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen 148 Arday ah.

“Weerarku wuxuu ahaa mid gaadmo ah oo lagu qaaday gaadiid ay ciidammo booliis ah wateen, kuwaasoo roondooyin ka sameynayay deegaan ku dhow Gaarisa, hadda waxaa maqan 13-sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska Kenya oo lagu magacaabo, George Kinoti.

Afhayeenka ayaa Hadalkiisa ku daray. “Ciidamadii Dhaawacyada ahaa Waxaa la Geeyay Isbitaalka halkaasoo lagu daweynayo.” Wuxuuna raaciyay. “Saraakiisha la la’yahay waxaa filaynaa inay ku maqan gacanta xoogagga Al-shabaab.”

Sidoo kale, taliyaha booliiska degmada Gaarisa, James Kianda ayaa isna sheegay in askarta dhimatay aan weli la xaqiijin karin tiradooda, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ay iyaduna sheegay inaan la xaqiijin karin tirade askarta weerarkii xalay lagu dilay.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in Weerarka lagu laayay Askarta Booliiska Kenya ay ahaayeen miinooyinka dhluka lagu sii aasay, Kuwaasoo lala beegsaday gaadiidka ay ciidamadu wateen.

Deegaanka uu Weerarkani ka dhacay ayaa u jirta Magaalada Gaarisa Qiyaastii in ka badan 80-km, iyadoo kaga beegan dhanka Waqooyiga, waxaana mas’uuliyadda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Al-shabaab weerar noocan oo kale ku Qaadday saldhig Booliis oo ku yaalla isla deegaankaas, halkaasoo ay ku dileen hal askari sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay Kenya kumannaan ciidamadeeda ah u dirtay Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2011 ay Weerarro ka geysanaysay Gudaha dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya