4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Al-shabaab oo Weerar Gaadmo ah ka Fulisay KENYA kuna dishay 20-Askari oo Booliis ahaa


Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 20-Askari oo ka tirsan booliiska dalka Kenya lagu dilay agagaarka tuulada Yumbis oo ka tirsan deegaanka Faafi ee Ismaamulka Gaarisa, kadib markii Kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saddex askari oo ka soo baxsatay weerarkaas oo dhacay habeen ka hor, ayaa sheegay in afar baabuur oo ay la socdeen Ciidamada la laayay ay gurmad u ahaayeen askar kale oo Yumbis lagu weeraray, isla markaasna qaar kamid ah baabuurtii ay wateen Bilayskaas la gubay.

Tiro kale oo askar ah, ayaa laga cabsi qabaa iney ku dhinteen weerarkaas gaadmada ahaa oo ka dhacay meel aanan ka fogeyn tuulada Yumbis oo qiyaastii in ka badan 250 KM u jirto magaalada Gaarisa.

Mahad Cusmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Ismaamulka Gaarisa, ayaa xaqiijiyay in Gawaaridii la weeraray mid ka mid ah ay la kacday Miino dhulka lagu aasay, wuxuuna sheegay in askartii dhaawacantay qaarkood la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa.

Guddoomiyaha degmada Fafi oo lagu magacaabo Geoffrey Taragon, ayaa sheegay in Askarta dhaawacantay xaaladoodu ay tahay mid aanan aad u liidanin.

Dhacdadaan, ayaa ku soo beegmeyso toddobaadyo kadib markii la sheegay in xoogag ka tirsan Al Shabaab ay muddo saacado ah dad ku wacdinayeen Masaajid ku yaallo Tuuladaas Yumbis.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF “Kenya Defence Forces”, oo lagu magacaabo Koronel David Obonyo, ayaa sheegay in Ciidamada KDF ee ka tirsan Howl-galka Midowlga Africa ee AMISOM ay dhawaan 7 dagaalyahan oga dileen Al Shabaab- hubna ay oga qabsadeen dagaal ay kula galeen duleedka magaalada Dhoobley ee ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Wuxuuna intaas ku daray Afhayeenku iney guulo ka gaareen dagaalkaas oo uu sheegay dhankooda iney oga dhaawacmeen dhowr askari.

Dhinaca kale Ururka Al Shabaab, ayaanan wali ka hadlin dagaalkaas ay Kenya guusha ka sheegatay ee ay tilmaamntay inuu ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya