4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2015
Xarakada Al-shabaab oo degmada Diinsoor ku toogatay dhalinyaro ay ku Eedeeyeen Jaajuusnimo


Talaado, May 26, 2015 (HOL) — Al-shabaab ayaa degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ku Toogtay shalay Afar Dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen Jaajuusiin u shaqeynayay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Garsooraha maxkamadda Al-shabaab ayaa fagaaraha uu xukunkan ka dhacayay ka sheegay in xukunka ay ku rideen raggan uu yahay mid ay u cuskadeen Islaamka iyo in iyagu ay afkooda ka qirteen inay jawaasiis ahaayeen.

Dhallinyarada xukunka dilka ah ay ku fulisay Al-shabaab ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cali Muuse Cali oo 26-jir ahaa iyo Xasan Cadaawe Maxamed oo 24-jir ahaa ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo Cukaash Cali Xaaji oo 39-jir ahaa iyo Maxamed Nuur Cali (Sooyaal) oo 40-jir ahaa ayaa iyagana lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka Kenya.

Wararka Qaarkood ayaa sheegaya in raggan qaar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxaana horay Al-shabaab xukuno ay xukunno dil ah ugu fuliyeen rag ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen inay hagi jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay goobta uu dilku ka dhacay ayaa dadka uga digay inay la shaqeeyaan jawaasiista dalalka dariska ah iyo kuwa Soomaaliya, ciddii ay ku helaan falalkaas oo kalena ay toogan doonaan.

“Jawaasiistan aan dilnay waxay ka mid ahaayeen cadowga mulismiinta, waxaana ay tani indhaha ka ridaysaa dalalkii adeegsanayay oo ah kuwo cadow ku ah Islaamka,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al-shabaab.

Goob-joogayaal ku sugnaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacay ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in raggan afarta ay toogteen dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab oo maryo ku xirtay wajiyada, iyagoo ka toogtay qaybaha sare ee jirka.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab toogasho ku disho dad ay ku eedeysay inay yihiin jawaasiis u adeegayay Wadamada ay inta badan u sheegaan inay yihiin cadowgooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya