4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
SOMALILAND oo Qorsheynaysa in Lacagteeda Mooyee aan Lacago kale la Isticmaali Karin


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Wasiiradda Maaliyada Somaliland ayaa maanta hay’adaha dawladda iyo ganacsatadda isugu yeedhay si wax looga Qaban lahaa Sicir-bararka Sarifka iyo hoos u dhaca shilling Somaliland-ta taas oo baryahan dambe sare u kacay.

Shirkan oo ay ka soo wada qaybgaleen inta badan ganacsatada waaweyn, Rugta Ganacsiga, wasaaradaha ganacsiga, qorsheynta, waxbarashadda, iyo Baanka dhexe, kuwaasoo kawada hadlay sidii isticmaalka dollar ka wax looga qaban lahaa si uu u soo noolaado shilling Somaliland.

wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in ay wadeen cilmi baadhista iyo shirar u socday laba bilood oo inta badan habeenkii ku shiri jireen sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka kor u sii socda, haseyeeshee shirarkaasi oo aan soo dhamaan ay sugi kari waayeen kor u kaca xad dhaafka ah ee dollarka taasina ay keentay inay shir deg deg ah iskgu yimaadan si natiijo wax ka qabta sicir bararkaasi loo gaadho.

“Shirkan aanu iskugunid wuxu socday laba bilood soo socday oo loogu kuurgalayey ascaarta iyo dollar sidii wax looga qabanayey oo aan weli soo gunaanid oo laga samaynayo sababaha joogteyn kara inay lacagteenu noqoto mid shaqaysa, waxa lagama maarmaan noqotay in wasaarada ganacsiga fidisay kulankan, ganacsatada intooddii badnayd way fadhidda, rugtii ganacsiga oo wakiil ka wada ahi way fadhidda, waxaanu isla garanay in wareegto lagu soo saaro in wax lagu iibsado lacagta Somaliland”ayey tidhi wasiir Samsam oo ka hadlaysay kulankani wuxu daarnaa.

Sidoo kale, wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim ayaa isna sheegay inay Barri ay soo saari doonaan wareegto lagu amrayo ganacsatadda iyo shacabka in aan la isticmaali Karin lacag aan ahayn lacagta Shiling Somaliland.

“Halkan waxaanu iskugu nimid sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagteena, iyadoo aynu qarka u saaranahay in nolosheenu halis gasho,waana shir laba bilood soconayey, waxanayna ahayd cilmi baadhista laga diyaarinayey waxaase natiijaddii oo aan la gaadhin shirkan soo dadajiyey sicir bararka lacagta ku dhacay oo aan la eegan Karin, waxana ku ballanay in barri  la soo saaro wareegto lagu amrayo in lacagta Somaliland mooyee lacag kale la isticmaali Karin sida xeerkeenii dhigayo”ayuu yidhi wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim.

Guddoomiyaha Baanka dhexe Cabdilaahi Xaaji Jaamac oo isna halkasai ka hadlay ayaa yidhi “masuul anaga ka ah lacagta la soo daabacayo ee la keenayo dalkeena, qiimihiisa iyo ilaalintiisa shilingkeena, waxaana muddaba wadnay shirar aanu hebeen iyo maalinba ku jirnay oo is daba joog ahaa, marka shirkan maanta xukuumadda iyo ganacsatadda ka soo wada baxay waa shirkii ugu horeeyey ee aynu maanta doonaynay in aynu dalkeena ku badbaadino, ilaahayna waxaan ku rajaynayaa in shacabkeena iyo ganacsigeenu nala gartaan qiimaha lacagteenu leedahay”.

Si kasta ha ahaatee, waxa baryahan dambe cirka isku shareeray qiimaha sarifka ee lacagta, taas oo saameyn ku yeeshay noloshii danyarta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland