4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
SAWIRRO: Premier BANK oo Kusoo Bandhigay Muqdisho Adeegyo aan horay uga jirin Somalia


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Xaflad lagu soo bandhigay adeegyada Bangiga Premier ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladda lagu soo bandhigay halkaasi adeegyo cusub oo uu bangigu soo kordhiyay.

Wakiilo ka kala socday shirkadaha xawaaladaha, bangiyada, ganacsato, danjirayaal, bahda waxbarashada, uruada haweenka, dhallinyarada, qurbo-joogta, bahda isboortiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galay munaasabadda.

Adeegyada Premier Bank uu maanta soo bandhigay waxaa ka mid ah maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka, xisaabaad (Akoonno) u gaar ah Haweenka (Maandeeq Account), Internet Banking oo uu Qofku Akoonkiisa ku maamulan karo meel kasta oo uu adduunka ka joogo iyo Akoonno loogu talo-galay qurbo-joogta oo uu dhawaan bankigu daah-furi doono.

Sheekh Badruddiin Sh. Rashiid Ibraahim oo ka tirsan golaha shareecada ee bankiga ayaa faahfaahin ka bixiyay hababka maal-gelineed ee Bankigu isticmaalo (Siyaq-attamwiil al-islaamii) isagoo ka xusay habka muraabaxada, Ijaarada iyo bayca-salam. Sheekha ayaa sheegay in Qaacidada Baananka Islaamku ku dhisan tahay in bankigu khatar (risk) qaato si uu faa’iido xalaal ah u helo.

Premier Bank ayaa sidoo kale soo bandhigay adeegyo aan Somalia horay loo keenin sida MasterCard iyo SWIFT oo suuro-galinaya in lacagaha lagu diro karo lagaagana soo diro Caalamka.

“MasterCard oo isugu jira Debit iyo Prepaid ayaa shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool u suuro-gelinaya inay kaararka Premier ku isticmaali karaan daafaha adduunka iyagoo ATM lacag kala bixi kara, badeeco kaga iibsan kara Point of Sale ama Internet-ka wax kaga iibsan kara. Sidoo kale Soomaalida Qurbaha wuxuu u ogolaanayaa adeegani inay kaararkooda MasterCard ee dibadda ay ku adeegsan karaan gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri C/risaaq Maxamed Axmed oo ah madaxa Operations-ka Bankiga.

Cabdiweli Muse oo ah madaxa Shirkadaha Xawaaladaha ee Muqdisho oo goobta hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay Adeegyada uu soo Kordhiyay Premier Bank; isagoo ku til-maamay Kaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyadu ugu jiraan Somalia ay la mid tahay kaalinta Shidaalku ugu jiro Dawladaha Khaliijka. sidoo kale C/weli ayaa ugu baaqay cid kasta oo awoodda in la caawiyo lana ilaaliyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed ayaa Xafladda ka sheegay in ganacsatada Bangigu furtay ay ka Jawaabayaan baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabto adeegyada Banki ee ay u baahan yihiin isagoo ku Nuux-nuuxsaday in dadaal iyo waqti uu ka galay Milkiilayaasha iyo Maamulka Bankiga sidii ay dalka u keeni lahaayeen adeegyo casri ah oo caalamka ku xiran.

“SWIFT waa adeeg sahlaya in Somalia lacag laga diro isla markaana loosoo diro,” ayuu yiri Jibriil oo intaas raaciyay in adeegyadan casriga ah ee Premier Bank soo kordhiyay ay sawir wanaagsan ka bixinayaan dalkeenna Somalia.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culummada Soomaaliyeed oo xafladda ka jeediyay hadal ayaa Sheegay in loo baahan yahay in Bangiyo Islaami oo bixinaya Adeeg-yadan oo kale ay Somalia ku bataan; Taasoo qayb ka qaadan doonta Horumarka iyo maal-gashiga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya