4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Muqdisho oo Maanta lagu Qabtay Xuska Markii la Aasaaskii Ururka Midowga Afrika (SAWIRRO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusay maalinta ururka Midowga Afrika oo ay kasoo wareegtay 52-sannadood, taasoo ay ka qayb-galay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

Xuska oo ayaa waxaa kaloo ka qayb-galay Danjirayaal, Taliyeyaal Ciidan iyo Marti-sharaf kale, iyadoo Xasan Sheekh uu ka jeediyay khudbad uu kaga halay doorka ururka Midowga Afrika uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya iyo Qaaradda inteeda kale.

“Hambalyo ayaan leeyahay dhammaan Dalalka Qaaradda Afrika, Munaasabaddan awgeed marna Soomaaliya ma illoobi doonto taageerada Afrika u fidiyeen Soomaaliya. Waana og-tihiin halka ay Soomaaliya ka timid iyo halka ay u jeeddo, taasina suuro-gal ma noqoteen haddii aanay ahayn taageerada buuxda ee aan ka helnay Waddamada Afrika. Taageeradaas waxay abid qayb ka noqon doontaa taariikhda Somalia,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladda Somalia ay dadaal ugu jirto sidii ay ula jaan-qaadi lahayd hadafka Qaaradda ee ah in la Horumariyo nolosha haweenka, iyadoo taas laga duulayana haweenka waxaa loo magacaabay xilal muhiim ah, waana la sii ballaarin doono ka Qayb-galka Haweenka ee Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada, Nabad-galyada IWM.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhanka kale ka hadlay Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somalia iyo sidii loo Dhaqan-gelinayo Hiigsiga Aragtida 2016-ka oo uu sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay in si buuxda loo fuliyo Barnaamijyada loo Qoondeeyay Sannadkaas.

Dhanka kale, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in Xuskan uu yahay mid taariikh gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama munaasabaddan oo kale 1974-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay Qaaraddu marayso heer ka wanaagsan 52-sano ka hor.

“Waxaa ururka Midowga Afirka la aasaasay 52-sano ka hor, xilligaas ururku wuxuu ahaa mid muhiim u ah Qaaradda oo dhan, waayo waxaa jiray dalal badan oo Afrika ah oo ay gumeysatayaashu haysteen, iyadoo ururku u kacay sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen, waana lagu guuleystay,” ayuu yiri danjire Maman S. Sidikou.

Ergaygu Wuxuu intaas raaciyay in inkastoo Qaaradda Afrika ay Heer Wanaagsan Marayso marka loo eego xilligaas, haddana waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin buu yiri; dagaallo sokeeye, isbedel dhanka cimilada ah, saboolnimo, argagaxiso iyo kuwo kale, isagoo xusay inay tahay in loo istaago sidii caqabadahaas looga guuleysan lahaa.

Ugu dambeyn, Danjire Maman Sidikou wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in ururka Midowga Afrika uu haatan kaalimo muhiim ah ka Qaadanayo Xasilinta dalal badan oo ka mid ah kuwa Qaaradda Afrika, kuwaasoo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya