4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Ururka Heraale oo Dhibaatooyinka ka Wacyi-galiyay Dhallinyarada Xaafadda Islii ee Nairobi (SAWIRRO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Ururka dhallinyarada ee Heraale Youth Alliance ama Is-baheysiga Dhalinyarada Xeraale laantiisa magaalada Nairobi ee Kenya, ayaa barnaamijyo wacyi-galin ah ugu sameeyay Xaafada Eastleigh (Islii) ee Soomaalidu ay ka degen yihiin magaalada Nairobi, dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka ka sameeyo xaafadaas.

Guddoomiye ku xigeenka Ururkaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Macalin Yusuf (Kudun), ayaa Hiiraan Online u sheegay in barnaamijyo wacyi-galin ah ay Xaafada Islii ugu sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaasna ay oga digaan falal dambi-yeedka xun xun iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka dooriyo sida Daroogada, Qaadka, Sigaarka, Shiishada iyo Tuuganimada.

"Xaafada Islii waxaa ka jiro dhibaatooyin xiliyada habeenkii ah ay sameeyaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo la baxay magacyo Super Power, waxey taleefoonada ka qaataan dad weynaha oo ay dhibaateyaan- mararka qaarna ayaga ayaaba is dilo, marka taas ayaa nagu qasab tahay inaan ka wacyi galino dhalinyarada iney ka fogaadaan ficiladaas xun", ayuu yiri Kudun oo sheegay in Ururkooda la aas-aasay sanadii 2010 ayna ka shaqeeyaan degaanka Xeraale oo ka tirsan gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay horay oga hir-galiyeen Xarumo Waxbarasho.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa kula dar-daarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha wadankooda. Ayna ka fogaadaan waxyaabaha mugdiga galin karo Mustaqbalkooda sida; Balwada, Tahriibka, Xag-jirnimada, Burcad Badeeda, Qoriga iyo dagaalada Sokeeye.

Dhanka kale Xaafadda Islii oo Naadigan uu ka Sameynaayo Barnaamijyada Wacyi-galinta ah, ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaco falal dambiyeedyo ay fuliyaan dhallinyaro Somali ah oo kooxo kooxo u dhisan,  sidoo kalana ku hubeysan Tooreeyo iyo Baangado. Waxeyna Taleefoonada si xoog ah oga qaataan dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya