4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Darawallada Mootada Bajaajta oo Maanta Dibad-bax ka Sameeyay Bartamaha degmada Baydhabo


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Boqalaal Qof oo ah darwaliinta mootooyinka Bajaaj-leyda ayaa Maanta bannaanbax ku sameeyay wadooyinka Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay; iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada.

Mootooleydaan ayaa waxay ka cabanayay Mootooyin uu maamulka Gobolku ka Xareeyay shalay oo Axad ahayd; kaddib markii ay diideen inay bixiyaan lacago ay ku sheegeen inay dul-saar mar walbana laga qaado.

Dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta Baydhabo ayaa sheegay in maamulka degmada iyo kan Gobolka ay horay ugu Sameeyeen Aqoonsiga Wadista Mootooyinka loo yaqaanno Bajaajta, iyadoo maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed uu isaguna hadda doonayo in uu aqoonsi cusub u sameeyo.

“Talaabadan waa mid Maamulka koonfur-galbeed uu ku doonayo lacago dul-saar ah, mana awoodno inaan bixinno lacagtaas, waana tan keentay inaan maanta Dibadbaxaan ka dhigno magaalada,” ayuu Xaseey Aadan Cali oo ka mid ah Bajaajleyda Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta xirnayd muddo kooban iyadoo dibadbayaashu ay isugu tageen Xarunta maamulka Degmada Baydhabo si cabashadooda ay halkaas uga muujiyaan. Iyadoo markii dambe uu la Hadleen Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed, waxaana loo sii daayay mootooyinkii ka xareysnaa.

Ugu dambeyn, Tirada Mootooyinka Bajaajta loo yaqaan ee Shalay la Xareeyay ayaa  ahaa 320-mooto, iyadoo magaalada uusan maanta ka jirin wax isku socod ah, taas oo sababtay in dadku ay gaari waayaan qaybo magaalada ka mid ah.

Hiiraan Online, Baydhabo