4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Haweeyneyda ugu da’da weyn Dunida oo dhan oo u Dabaal-dagtay Sannad-guuradeedii 116-aad


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Jirelean Talley oo loo tixgaliyo inay tahay qofka ugu da’da weyn Adduunka oo dhan  xilligan nool ayaa 116-sano jirstay ,iyada oo ku sugan magaalada Inkster ee dalka Maraykanka, waxaana xaflada dhalashadeeda ka so qayb-galay inta badan qoyskeeda.

Talley ayaa dhalatay sannadkii 1899-kii, Waxayna noolayd labo Qarni, sidoo kalena waxay goob-joog ahayd ,iyada oo  xilalka ay iska badalayaan 20 madaxweyne oo kala duwan, iyadoo Hambalyo Dhalashadeeda ku Aaddan uu u soo diray Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama.

“Khibradaada Nololeed iyo Durugsanaanta Xikamaddaada ayaa Calaamad u ah meesha uu Qarankeennu kasoo safray sanadku markuu ahaa 1899-kii.“ ayuu Obama ku yiri waraaq uu u soo diray haweenaydan.

Talley ayaa ku dhalatay Georgia 23-dii bishii shanaad  sanadkii 1899-kii ,waxaana sanadku markuu ahaa 1935-tii ay u soo wareegtay gobolka Machigan, iyada iyo saygeedii Alfred oo isna dhintay sanadkii 1988-dii isaga oo 95-sano jir ah.

Ugu dambeyn, Haweeynaydan oo qoysas badani ay ka tarmeen ayaa loo doortay inay tahay Ruuxa Adduunka ugu da’da weyn  bishii Afaraad ee Sannadkan; kaddib markii Magaalada Arkansas ay ku geeriyootay Gerrude Weaver oo ahayd 116-sano jir.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]