4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Kulan Dhaqaale loogu Yaboohay Isbitaal loogu Magac-daray Jaalle Siyaad oo lagu Qabtay OHIO (SAWIRRO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Muddo ka badan 25-sano ka hor ayaa ugu  danbaysay goob lagu magacaabo madaxweynihii dowladdii millateriga ahayd ee Somalia, Maxamed Siyaad Bare, iyadoo intii uu noolaa la maqli jiray waddada Jaalle Siyaad, Iskuulka Hoose/Dhaxe ee Siyaad iyo kuliyada ciidamada ee Jaalle Siyaad, balse xalay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka kulan dhaqaalo loogu uruinaaay isbitaal laga dhisayo gobolka Gado ee Somalia oo ah meeshii uu ku dhashay madaxwaynahii hore ee Somalia oo loogu magic-daray Isbitaalka Jaalle Siyaad ee magaalada Garbahaaray.

Shirka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay haween Soomaaliyeed oo ku nool dalka Canada ee Qaaradda Ameerika; kuwaasoo ah kuwii billaabay dhismaha iyo magic-bixinta isbitaalkan laga dhisayo Gobolka Gedo.

Waxaa kulanka ku sugnaa laba ra’iisul wasaarayaal oo Soomaaliya soo maray kuwaasoo kala ah, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo C/weli Sheekh Axmed, waxayna sheegeen in kulankan uusan ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay mid samafal.

C/casiis Maaxaay oo lagu yaqaano Sama-falka oo Kulanka ka hadlay ayaa Hadalkiisa ku billaabay; - Waxaan idin waydiinayaa waligiin ma Maqasheen Hooyo ku Umul-raacatay Ameerika? Wax jawaab ah markuu waayay ayuu mar kale is-waydiiyay maxaa sabab u ah in haweenka Soomaaliyeed ay Qarnigan 21-aad noqdaan kuwa ugu badan ee Umul-raacda, isagoo xusay in loo baahan yahay in loo istaago in tuulo walba oo Soomaaliya ka mid ah laga dhiso Isbitaal.

Sidoo kale, C/weli SheekhAxmed ayaa isna sheegay in waayadaan uu ku jiray safarro kala duwan oo uu Mareykanka ku marayay, Wuxuuna Xusay in Kulankan uu yahay mid Kheyr badan oo lagu dhisayo Isbitaal ay ka faa’iidaysan doonaan dad badan oo masaakiin ah oo u baahan daryeel caafimaad. Wuxuuna hadalkiisa raaciyay inay magaalooyin badan oo dalka ku yaalla ay u baahan yihiin in dadkoodu ay u kacaan. Isagoo faray Dadweynihii Kulankan joogay inay ka qayb-qaataan Isbitalka laga dhisayo.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa u sheegay dadka ku howlan dhsimaha Isbitaalka haddii ay la yimaadaan amaano, daacadnimo iyo naxariis inuu hirgalayo mashruucan, waxuuna hadalkiisa raaciyay in haddii uu dhismo isbitaalka inuu qayb ka qaadanayo koboca dhaqaalaha deegaanka, waxaana yaraanayo buu yiri in dadku ka tagaan magaaladooda.

Dadweynihii joogay kulanka ayaa waxay ku yabooheen lacag gaaraysa 94-kun oo Doollar. Waxaana lagu wadaa in kulankan oo kale lagu qabto magaalooyinka Toronto-Canada iyo Minneapolis-Mareykanka.

Canab Cali Xaashi, Asiili M. iyo Deeqo Maxamed Siyaad Barre oo ku hadlay guddigii soo qaban-qaabiyay howshan ayaa u mahad-naqay Dadkii wax ka Qabtay hawshan Isbitaalka lagu dhisayo; waxayna ballan-qaadeen marka la dhamaystiro dhismaha Isbitaalka oo ka kooban 40-qol iyo Toddoba Fasal oo lagu tababarayo kalkaalisooyin caafimaad. Iyagoo ka ballan-qaaday shirka inay u is-taagayaan inay Somalia oo dhan ay ka Fuliyaan Mashaariic Caafimaad.

Ugu dambeyn, Waxaa kulanka ka hadalay Marti kala duwan sida; Hibo Maxamed (Hibo Nuura), C/xakiin Maxmaed, Faadumo Isaaq Biixi, Suldaan Faqi iyo Dr. Maxmaed Cali Nuur, waxaana lagu soo bandhigay kulanka suugaanta ay Haweenka Soomaaliyeed Caanka ku yihiin ee Buraanburka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Columbus, Ohio, USA