4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
IBRAAHIM XABEEB: Waxaan doonaynaa in laba Gobol loo Qaybiyo Hiiraan loona dhiso Maamul (DHAGEYSO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ee Hormuudka ka ah Shirweynaha ka socda Magaalada Beledweyne ayaa Sheegay inay doonayaan in marka wajiga ugu horreeya ee shirkoodu dhamaado inay doonayaan in Gobolka Hiiraan ay laba gobol u qaybiyaan.

Xabeeb oo u warramayay BBC-da ayaa intaas ku daray in qaybta hore ee shirka u socda ay ay beelo badan ku heshiisiiyeen oo ka mid ah kuwa dega gobolka Hiiraan, isagoo xusay in ujeeddada shirka laga leeyahay ay tahay in marka hore nabad laga dhex-dhaliyo beelaha ay colaaduhu dhexmareen muddadii dawlad la'aantu jirtay iyo in wejiga labaad ee shirkaas looga arrinsanayo mustaqbalka iyo aayaha Gobolka.

“Shirka Baladweyne waxaa ku heshiiyay illaa sideed bilood, dhowr beelood kalena dib u heshiisiinta isku raacay, laakiin waxaa hadda lagu mashquulsan yahay sidii loo heshiisiin lahaa beelihii bilooyinkii u dambeeyay ay colaaduhu u dhexeeyeen, guddi ayaana loo saaray si ay howshaas u soo dhameeyaan,” ayuu yiri Xabeeb oo jawaab ka bixinayay su’aal ahayd halka uu shirku marayo.

Waxaa kaloo la weydiiyay xildhibaanka hore su’aal ahayd, in beelaha Gobolka dega qaar-kood ay leeyihiin shirka waxaa iska wadata beel keliya oo innaga nalagama tashan marka maxaa ka jira arrintaas? Wuxuuna ku Jawaabay.

DHAGEYSO: Wareysiga Ibraahim Xabeeb Nuur uu siiyay BBC Qaybta Soomaaliga

“Runtii madasha shirku ka socda waxaa jooga reer Hiiraan oo dhan, laakiinse waa jiraan laba ama saddex beelood oo aan weli si buuxda aan shirka uga soo qaybgelin, waxaana socda dadaal aan ku doonayno inay beelahaas si shirka kasoo wada qaybgalaan, oo aanu jecel nahay in ay ka qaybqaataan dib u heshiisiinta oo aan aamisannahay inay yihiin dadkii ugu fara-dhuuduubnaa. Qof walba oo reer Hiiraan ah oo aan shirka kasoo qayb-gelin ay shirka kasoo wada-qaybgalaan.”

Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd inay Qorshe kale damacsan tihiin oo aad doonaysaa inaad Hobolka u dhistaan Maamul, muxuu Qorshihiinnu yahay? Isagoo uga Jawaabay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in su’aashan la i weydiiyo… Waxaan doonayaa in shacabka Soomaaliyeed, Dowladda dhexe iyo Baarlamaankaba aan u sheegno in 1948-kii in Hiiraan ay ka mid ahayd lixdii gobol ee lagu aasaasay Somalia. 1961-kiina waxaa lagu heshiiyay in gobollada dalka laga dhigo sideed gobol. Intii Xukuumaddii millateriga ahayd ay jirtay waxaa dalka laga dhigay 18-gobo, waxayna gobolladii ka jiray dalka ka dhigtay 1982-kii iyo 1983-kii min laba gobol iyo saddex gobol, balse gobolka Hiiraan sidiisii hore ayaa lagu dhaafay; marka gobolka Hiiraan oo ah midka saddexaad ee dhulka iyo bulshada ka ah gobollada dalka Somalia, waxaan inaguna raadinaynaa in xaqa gobolladaas kale ay helaan uu isaguna helo.”

Sidoo kale Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa wuxuu xusay in intii ay jirtay dowladdii KMG-ka ahayd ee uu Hoggaaminayay Sh. Shariif Sheekh Axmed in Gobolka Hiiraan laga dhigay laba gobol, waxaana wareegtadaas hortaagan xukuumadda hadda jirta.

Waxaa kaloo la weydiiyay mudane Xabeeb in dowladda Soomaaliya ay maamullada ay ka hirgeliso dalka ay ku saleysay 18-kii gobol ee ay Soomaaliya ahayd burburkii ka dhacay dalka ka hor, marka maxaad ku diiddan yihiin in la isku daro Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay mamul goboleed noqdaan, wuxuuna kaga jawaabay.

“Tusaale ahaa gobolkii Jubbada Sare hadda waa maamul-goboleed, Jubbada Hoose isagana waa maamul-goboleed, Sidoo kale Mudug iyo Galguduud waa tan hadda maamul-goboleed loo dhisayo, Dhammaantoodna min hal gobol ayay kasoo jeedaan. Marka Gobolka Hiiraan waxaa ka maqan xaqii Qaran ee qaybinta gobolada, marka labaad Gobolka Banaadir waxaa loo Qaybiyay Saddex Gobol ayaa loo Qaybiyay; kuwaasoo kala ah Gobolka Banaadir, kan Shabeellada Dhexe iyo kan Shabeellada Hoose. Marka Haddii Gobolka Shabeellada Dhexe oo 30% ka ah Gobolladii hore ee Somalia, Gobolka Hiiraan uu 100% ka yahay gobolladii hore ee Soomaaliya sidee awood-qaybsigoodu noqon karaa.”

Xabeeb ayaa mar kale la weydiiyay sababta keentay in hadda la qaybiyo Gobolka Hiiraan haddaan horay loo qaybin? Wuxuuna ku jawaabay. “Waxaa keentay in la qaybiyo wixii hadda ka horreeyay ma jirin maamul-goboleedyo la dhisayo, xuquuq ayuuna u leeyahay inuu helo xaqa ay heleen gobollada kale ee dalka.

Mudane Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa Wuxuu Hadalkiisa ku daray in Dadka dega Gobolka Shabeellada Dhexe iyo kuwa Gobolka Hiiraan ay yihiin Dad isku mid ah oo dad badan oo Reer Hiiraan ah ay daggan yihiin Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Waxaa la Weydiiyay Sababta ay u Diiddan yihiin inay Jowhar Maamul ka wadaagaan, wuxuuna Ibraahim Xabeen ku jawaabay. “Lama doonayo in Shacabka la Af-miishaareeyo, mana diidanin inaan wax la wadaagno reer Shabeellada Dhexe, balse maka hore waa in Gobolka Hiiraan uu noqdaa laba Gobol, inta ay laba Gobol ka noqonaysana cidna waxba lama wadaagayno. Waxaana doonaynaa in la helo in Gobolka Hiiraan ay noqdaan Shabeellada Sare iyo Gobolka Hiiraan markaasna ay noqdaan maamul goboleed.”

Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii dowladihii KMG-ka ahaa ee soo maray dalka, wuxuuna horay uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray xilal kala duwan. Haddana wuxuu Hormuud u yahay Siyaasiyiinta wada Shirka Magaalada Baladweyne ka socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya