4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Xisbiyada Mucaaradka oo ku eedeeyay xukuumada S/land inaysan doonayn in Khliaafka la Xalliyo


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Wadahadalladii u socday Xukuumadda iyo Mucaaradka SL ayaa maanta dib uga dhacay kaddib markii madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane C/raxmaan Saylici safar kadis ah ugu baxay magaaladda Berbera.

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa isku mari la’ xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta, halka xisbiyadu mucaaradku taagan yihiin in gabi ahaanba la Laallo Muddo Kordhintii Golaha Guurtida, Xukuumadduna ay ka biyo diidan tahay in go’aankaasi Guurtidda la buriyo.

Labadda xisbi mucaarad ee WADANI iyo UCID ayaa maanta shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Hargeysa ku sheegay inay burbur ku yimaadda wada hadalkaasi ay masuul ka tahay xukuumadda.

“Madaxweynaha waxaan ku iri muddada ay goysay Guurtidu kuu dan ma aha Dalkana dan uma aha - sharaftaadana way dilaysaa ee aynu arinta khilaafka dhalisay aanu meel kawada istaagno, madaxweynuhu wuu arkay khatarta ay leedahay, waana ku ceeb madaxweynaha  in wixii uu diidayay sanadkii 2009-kii  inuu maanta difaaco  waanay ku xun tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey khilaafka ka dhashay muddo kordhinta, waxaanu sheegay inuu ogol yahay in wada hadalki maalinta Barri dib u furmo maadaama oo madaxweyne ku xigeenku hawlo shaqo ugu baxay Magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa wata waxa uu yidhi “waxaanu sheegaynaa anagu haddii ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana iman doonta  sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad umadu ogoshahay  oo doorasho inoo qabata dalkanina doorasho la,aan socon maayo, dadka waxaanu waydiinaynaa 22 bilood oo laba doorasho inoo yaalaan maxaa la qabanayaa”.

“Danteenu kuma jirto inay doorashadaasi u dhacdo sanadka 2017-ka, danta umadana kuma jirto inay laba sanadood boodo doorashadii la doonayey inay dhacdo 2015-ka waana inaynu meel uga soo wada jeedsano inaanay arintaasi dhicin oo aan dalkeena khal khal la galin, waxaanan leeyahay kubada xaga xukuumada ayey taalaa ilaahay ayaanan ka baryeynaa inuu caqli siiyo, haddii ay la yimaadaan xal siyaasi  waa noo furan tahay haddii ay la iman waayaan talo  ayeynu iskugu imanaynaa  waxaynu arkaynaa inay dadkani yihiin kuwa danaysanaya balse aanay ahayn kuwo dalka u danaynaya”ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa isna sheegay in aanay aqbali doonin muddo kordhintaasi xukuumadda, isla markaana ay aaminsan yihiin in aanay doorashaddu dib uga dhicin wakhtigii guddida Doorashooyinku iclaamiyeen ee June,2016-ka.

“wada hadalkaasi waxay bilaabantay 20-kii May, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu jirin laakiin anaga oo eegayna danta Somaliland badbaadinteeda iyo inuu heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, waxaanan isla qaadanay in la raadiyo xal siyaasiya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafkaas.”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADANI Cirro oo ka hadlayey wada hadalka u dhexeeye iyaga iyo xukuumadda.

“Sabtidii ayaanu isku soo Noqonay Wax xal ah kama uusan imaan dhinaca Xukuumadda iyo xisbiyada Kulmiye waxaanay u eekayd in maalintii gogosha la dhigayey inay gogosha laabeen sababta oo ah gogol ayey yidhaahdeen waanu dhignay waxaanay yidhaahdeen go,aanka khilaafka dhaliyey waa lama taabtaan, waxaanu ku kala tagnay inaanu maalin kale siino oo isniinta laysku soo noqdo,  hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka oo dhex dhexaadinayey sadexda xisbiga Qaran oo hawlna ku jira waxa uu naga codsaday in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo barina la siiyo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kasta ha ahaatee, wadahadalada ayaa u muuqda kuwo burburaya, isla markaana labadda dhinac kala taagan yihiin laba daraf oo aad u kala durugsan, maadaama oo labadda dhinac midna aanu wali ka tanaasulin halkii uu markii hore joogay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland