4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Wafdi ka Socday OIC oo Muqdisho Booqday lana kulmay Madaxda dowladda Somalia (SAWIRRO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Waxaa Muqdishu soo gaaray kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Danjire Hishaam Yusuf iyo Isku-duwaha Arrimaha bani’aadanimada ee OIC Dr. Rammi Mohamed.

Wafuudan ayaa waxaay la kulmeen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamud, Ra’isul Wasaare Sharma’arke iyo Guddoomiya Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sidoo kale, Wafdiga ayaa la Kulmay Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda, Khaalid Cali Cumar, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Maxamed Xasan Aadan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Beeraha, Axmed Xasan Gaboobe iyo Wakiillo ka socday Wasaarada Caafimaadka Somalia.

Kulamada ayaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee xafiiska OIC Somalia kawado dalka sidii loo dar-dar-gelin lahaa iyo in la kordhiyo tirada mashaariicda si toos ah u taaba-naya baahida dadka iyo inaan la hilmaamin taageerada Soomaaliya ee Wadamada Islaamka siiyaan, maadaamaa meelo badan oo adduunka ka mid ah ay dhibaatooyin kasoo cusboon-aadeen.

Wafdiga waxay kaloo la kulmeen hay’adda OIC kala shaqeeya arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwo waddani ah intaba,kulankaas oo ka dhacay xafiiska OIC ee Muqdisho, iyadoo lagu falanqeeyay arrimaha bani’aadanimo ee dalka ka taagan iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadiisa.

Markii Kulammadu soo idlaadeen ayaa waxaa Shir jaraa’id Xarunta OIC Soomaaliya ku qabtay kaaliyaha xog-hayaha guud ee IOC, Al-safiir Hishaam Yuusuf wuxuuna sheegay inay u yimaadeen Somalia u kuur-gelida baahida ka jirta dalka iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo, isagoo xusay inay hordhigi doonaan shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Xubnaha ka ah OIC oo 27-ka bishaan ka dhici doona dalka Kuweyt.

Al-safiir Hisham Yuusufayaa intaas ku daray inaysan ahayn markii ugu horraysay ee ay Soomaaliya soo booqdaan madaxda ugu sarreysa OIC oo tan iyo 31-kii Maarso 2011-kii markii dib loo furay xafiiska OIC Soomaaliya ay soo booqdeen madax kala duwan, kuwaasoo u kuur-galayay shaqada uu ururka Soomaaliya kawado.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo loo soo gaabiyo OIC ayaa ah Ururka Adduunka ugu weyn marka laga reebo UN-ka, waxaana xubno ka ah 57-dowladood oo ay Soomaaliya ku jirto. Isagoo markii ay dhaceen abaarihii dalka ku dhuftay 2011-kii - 2012-kii ay OIC hoggaanka u haysay samata-bixinta Dadka ay asiibeen Xaaladaha deg-degga ah ee ka dhaca Somalia, waxay kaloo qayb lixaad leh ka qaateen arrimaha horumarinta dalka.

Ugu dambeyn, wafdiga ka socday Ururka OIC ayaa maanta ka dhoofay Somalia si ay ugu biiraan shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka ka furmi doona waddanka Kuweyt.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya