4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Wasaaradda Ganacsiga Somalia oo 25-sanadood kaddib Baaraysa Badeecooyinka soo gala Dalka


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Markii ugu horreysay muddo 25-sanadood ah kaddib ayaa dowladda Soomaaliya soo rogtay in tayo baaris lagu sameeyo badeecooyinka dalka la keenayo iyo kuwa dibadda loo dhoofinayo kaddib markii maanta la dhameystiray heshiis ay Wasaaradda ganacsiga & Warshadaha ay la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku xeeldheer tayo-baarista.

Waxaa heshiiska dhanka Wasaaradda u xasiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Mudane  Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, halka shirkadda PGM uu u saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Maamula Dr. Arif  Canacik, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar.

Wasiir C/raxmaan ayaa saxiixa heshiiskan kadib la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay muhiimadda ay leedahay in la baaro tayada badeecooyinka kala geddisan ee dalka soo gala iyo kuwa laga dhoofiyo.

Wasiirka ayaa yiri. “Shirkaddan Waxa ay ilaalinaysaa tayada badeecadaha dalkeenna la keeno iyo kuwa laga dhoofiyo. Dowladda ayaa ka masuul ah in qofka Soomaliga ah uu helo cunto iyo daawo tayo leh. Waa waajib saaran dowladda, gaar ahaan wasaaradda in ay ka fekerto tayada badeecooyinka dalka la keeno, lagana dhoofiyo.’ 

“Waxaa laga fekei jiray dhawr sano kahor qofka marka uu gurigiisa kasoo tago nabad maku noqon doonaa. Balse haatan waxaa la gaaray in laga fekero tayada cunta uu cunayo, daawada uu isticmaalayo iyo waxyaabaha daruuriga ah ee noloshiisa saameynta ku leh. Waa waajib saaran xukuumadda in ay baarto badeecooyinka dalka soo galaya si aysan dhibaato u geysay nolosha dadka iyo deegaanka”

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay go’antahay sidii ay uga qeybqaadan lahayd dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada ay dowladda Soomaaliya u qabato shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu soo dhaweeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid laba dalba faa’iido u leh.

“Waxaan jeclahay inaan idiin sheegno in Turkiga uu sii wadi doonto taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed, heshiiskanna qeyb ayuu ka yahay qorshaha aan ku xoojineyno hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Shirkadda PGM ayaa ah shirkad caalami ah oo xafiisyo ku leh dalal badan oo caalamka ah, saldhiggeeduna yahay dalka Turkiga. Waxa ay sidoo kale baaritana ku sameysaa dhamaan waxyaabaha la geeyo iyo kuwa laga soo dhoofiyo dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda markii ay soo dhamaatay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliga Danjire Olgan Bekar iyo wafdiga la socday, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya dhankeeda ay diyaar u tahay sidii looga mira dhalin lahaa heshiiskan iyo kuwii ka horreeyayba.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991dii ma jirin wax tayo baaris ah oo lagu sameeyay badeecooyinka dalka soo gala. Waxaa jirtay in dalka loo soo dhoofin jiray cuntooyin iyo daawooyin dhacsan iyo kuwa tayadoodu liidato oo aan bani’aadamka loogu talagelin in uu isticmaalo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya