4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Kenya oo Saldhig u Noqon Doonto Xarunta Goboleedka Sirdoonka Waddamada Bariga Afrika


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Xarun ay ku mideysan yihiin Sirdoonka wadamada Kenya, Uganda ,Rwanda iyo South Sudan oo ku taallo Xaafada Karen ee magaalada Nairobi, ayaa la sheegay iney noqon doono mid howsheeda biloowdo isla markaasna ka shaqeyso arrimaha sirdoonka wadamadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery oo ka hadlay howl-galinta xaruntaas, ayaa ku sheegay iney tahay mid wax weyn ka qaban doonto falalka amni darada ah ee ka dhaco wadamada ku yaallo bariga Africa.

Wuxuu sheegay Wasiirku in dhamaan wadamada ku bahoobay xaruntaas muqaabaraadka, ay laamahadooda Sirta wadaaggi doonaan dhamaan xogaha ku saabsan dhanka nabad galyada.

Dhanka kale Madax ka tirsan dalalka kale ee xubnaha ka ah Hay’addaan, ayaa soo dhaweyay waxeyna ku tilmaameen tilaabo wax weyn looga qaban karo ammaanka gobalka.

Si kastaba ha ahaatee Xaruntaan oo ah mid macluumaadka Sirta ah, ay si wadaag ah ugu kala qaadan doonaan khuburo ka kala socoto wadamadaas, ayaa loogu tala galay sugida ammaanka xuduudaha iyo ka war’haynta falal dambiyeedyada ka kala dhaco wadamadaas.

Dowlada Kenya oo marti galineyso Xaruntaas iyo wadanka dariska la ah ee Uganda, ayaa labadoodaba waxaa horay oga dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheynaa oo badankooda la sheeggay iney ka dambeeyeen Ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalamo. Waxaana sirdoonka Kenya lagu eedeyay iney ku guul dareysteen helitaanka xogaha ku saabsan qaraxyadaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya