4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Ciidamada Dowladda Somalia oo isaga baxay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliiya ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo la sheegay inay deegaankaas ka jirto xaalad kacsanaan ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay shalay gellinkii dambe illaa xalay isaga baxayeen deegaankaas, waxaana dadka deegaanka sheegeen in deegaanka aysan wax ciidamo ah ku sugneyn haatan.

Jannaale oo ah dhul beeraley ah ayaa waxaa ka taaga xiisado u dhexeeya kooxo horay ugu dagaalamay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo heshiis la dhexdhigay.

Illaa hadda lama oga sababta ay ciidamada dowladda Somalia uga baxeen Jannaale; sidoo kalena kama aysan hadlin saraakiisha ciidamada sababta ay uga baxeen ciidamada dowladda deegaanka Jannaale.

Goob-joogayaal ku sugan Jannaale sheegaya in xalay oo dhan ay cabsi ku jireen, ayna baqdin ka qabaan in deegaankooda lasoo weeraro; iyadoo wararka qaar ka mid ah ay seegayaan inay Al-shabaab ku wajahan tahay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaanahan ay Al-shabaab weerarro is-daba-joog ah ku haysay deegaannada Awdheegle, Mubaarak iyo Daaru—salaam oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay horay uga baxeen cidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya