4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2015
Kulan looga hadlayay joojinta iyo la-dagaallanka QAADKA oo lagu Qabtay Jaamacada Banaadir (SAWIRRO)


Isniin, May 25, 2015 (HOL) — Kulan looga Hadlay dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon loo joojin karo ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho.

Waxaa ka qayb-galay kulanka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda, aqoon-yahanno, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo ah shaqsi Soomaaliyeed oo u ololeeya joojinta Qaadka iyo marti sharaf kale, waxaana si weyn diirada loo saaray dhibaatooyinka Qaadka, gaar ahaan dhinacyada Caadimaadka iyo dhaqaalaha.

Urur ay ku Midoobeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Banaadir oo u istaagay la dagaalanka Qaadka iyo muqaadaraadka (SODAA) ayaa kusoo bandhigay kulankaas waxqabadkoodii, waxaana guddoomiyaha ururkaas uu sheegay inay shaqooyin u abuureen illaa 30 haween ah oo Qaadka ka ganacsan jiray kaddib markii ay wacyi-gelin u sameeyeen, isagoo xusay in howshaas ay gacan ka siiyeen bankiyada dalka ka jira qaarkood, wuxuuna balan-qaaday in ururkooda ay sii wadi doonaan wacyi-gelinta ku saabsan sidii loo joojin lahaa Qaadka.

Hormuudka Kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacada Banaadir ayaa ka waramay saameynta dhinaca dhaqaalaha ee Qaadku ku yeeshay dalka, wuxuuna xusay in sanad walba Qaadka Soomaaliya la keeno celcelis ahaan uu qiimihiisu gaarayo 300 oo milyan oo Dollar, Lacagtan ayuu sheegay iney gasho dalalka Kenya iyo Itoobiya.

“Dhaqaalahaas faraha badan haddii si kale looga faaiideysan lahaa wax badan buu dalka iyo dadka ku soo kordhin lahaa, intaas kaliya Maaha, Qaadku wuxuu dhaqaalo burbur ku hayaa qoysas badan oo aabayaashood ay Qaadka isticmaalaan” ayuu yiri hormuudka kuliyadda dhaqaalaha Jaamacada Banaadir.

Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo ah shaqsi Soomaaliyeed oo u oleleeya joojinta Qaadka oo isna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in isagu uu isticmaali jiray Qaadka isagoo ku sugan dalka Ingiriiska uuna joojiyey sanado ka hor markii uu arkay dhibaatooyinkiisa.

“Intaan Qaadka cunayey dadnimo iguma jirin, ehelkaygii Waan iloobay, nolosheydu waxay ku soo koobantay inaan Qaad cuno iyo inaan hurdo, mustaqbalkeygana mugdi ayuu ku jiray, waxaan joojiyey markii mid aniga iga daran oo Qaadka cuna uu afar jeer Toorey igu dhuftay anigoo qayilaya, ka dib waxaan dareemay isbedel weyn, nin mar labaad dhashay oo kale ayaan ahaa, Shaqo ayaan raadsaday, waan guursaday dadnimadii ayaa igu soo laabatay” ayuu yiri Qaad-diid oo ka waramayey farqiga u dhexeeya markii uu Qaadka isticmaali jiray iyo markii uu joojiyey.

Waxaa u intaa ku daray in markii uu arkay dhibaatada Qaadka ee uu naftiisa ka badbaadiyey uu go’aansaday inuu bilaabo ololaha joojinta iyo la dagaalanka Qaadka si bulshada looga badbaadiyo khatartiisa, wuxuuna xusay in dedaal badan ka dib isaga iyo qeybaha bulshada ay ku guuleysteen iney dowlada Ingiriiska ka dhaadhiciyaan iney dalkeeda ka mamnuucdo Qaadka, wuxuuna tilmaamay in arrintaas aysan si sahal ah ku imaanin.

“Qoyskeyga oo London degan waxaan ka soo tegay lix bilood ka hor, waxaana soo aaday dalkii hooyo, Somaliland ayaan ka soo bilaabay, Puntland, Galmudug,  Illaa Muqdisho oo aan hadda joogo, ujeedadeydu waxay aheyd inaan dhibaatooyinka Qaadka ee aan soo arkay uga hiiliyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Qaad-diid oo qeybaha bulshada ugu baaqay iney u istaagaan joojinta iyo la dagaalanka Qaadka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna kulankan ka hadlay ayaa ku amaanay Abuukar Qaad-diid dedaalka naf-hurnimada leh ee uu galay sidii bulshada Soomaalida loogu wacyi gelin lahaa joojinta Qaadka.

“Muran kama taagna in Qaadku leeyahay dhibaatooyin badan oo aan la soo kooni Karin, waxaana bahda Jaamacada Banaadir hadii aan nahay aan balan-qaadeynaa inaan ka qeyb qaadano wacyi gelinta joojinta Qaadka, isla markaana sameyno cilmi baarisyo wax ka taraya sidii bulshada loogu iftiimin lahaa dhibaatooyinkiisa” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somalia Prof. Cismaan Maxamuud Dufle, kana mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn kulankaas ka bixiyey Cashar ku saabsan dhibaatooyinka dhinaca caafimaad ee uu leeyahay Qaadka, wuxuuna si xeel dheer uga hadlay cudurada ka dhasha gaar ahaan kuwa ku dhaca Maskaxda, neerfayaasha iyo dhibaatooyinka uu ka dhaxlo qofka Qaadka isticmaala.

“Dhowaan golaha wasiirada waxay shaacin doonaan maalin sanad walba loo asteeyo joojinta iyo la dagaalanka Qaadka, dhinaca Baarlamankana Dood ku saabsan joojinta Qaadka ayaan qorsheheeda ku jirnaa inaan ka sameyno taasoo ay ka soo bixi doonaan go’aano dhaxal gal ah” ayuu yiri Prof. Dufle oo ugu baaqay qeybaha bulshada, sida Culimada, aqoonyanada, Suugaanleyda iyo waxgaradka iney dedaal ku bixiyaan sidii loo sameyn lahaa wacyi gelin horseeda in Qaadka la joojiyo.

Kulankan oo ku soo dhamaaday jawi wanagsan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Hormuudka kulliyada culluunta Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Xasan Nuur Warsame, Gudoomiyaha Midowga ardayda kuliyadDa Caafimaadka Jaamacada iyo xubno kale oo dhamaantood ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loola dagaalamo Qaadka. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya