4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Shirka GURMAD oo looga hadlayay Siyaasadda Soomaaliya oo lagu Qabtay OHIO (SAWIRRO)


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Shirkii Afaraad ee GURMAD ayaa Sabtidii Shalay ahayd ka furmay Jaamcadda Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka Qaybteeda arrimaha bulshada (John Glenn College of Public Affairs). GURMAD waa madal ay ku wadahadlaan Aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo iskood isku xilqaamay. Waxayna Shirar hore loogu soo Qabtay magaalooyinka Columbus, Minneapolis, Washington, kanna uu yahay kii Afaraad.

Shirkaan ayaa Socon doona labo casho, iyadoo Aqoon-yahannada ay kaga Hadli Doonaan Siyaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016-ka, waxaana ugu horreyn furay Garyaqaan C/waaxid Qalinle oo Gurmad ku sifeeyay ujeedaddo wuxuuna yiri.  “Danta Somalia waa isku imaatin dad ka danqanaya dhibaatada Soomaaliya. Sida la og-yahay bisha Ogoosto ee sannadka 2016-ka waa inay dhamaysirmaan dhamaan hay’adaha sharciga, haddii la gaaro maxaa noo dan ah, waa waxa ugu horreeya ee la is-waydiin karo; maxaanse ugu jawaabnaa ma waxaan u dhaafnaa dad ajnabi ah mise dad kale, marka waa inuu ka shaqeeyaa qof walba oo Somali ah oo daneynaya dalka.”

Kulanka Gurmad ayaa waxaa aad looga hadlay Afar Qodob oo Aqoon-yahannadu ay aad u Gor-feeyeen, kuwaasoo kala ahaa; Hay’adaha Dowliga, Dastuurka, Dib u Heshiisiinta iyo kaalinta haweenka iyo siyaasadaha dariska iyo Beesha Caalamka.

Cali Ali oo ka hadlay Qodobka Dastuurka ayuu sheegay inaan ogolaannay Federaal oo ah nidaam aad u ballaaran, wuxuuna ka hadlay Dastuurka hadda noo Qoran oo dhigaya sidii looga bixi lahaa xiligan looguna diyaar-garoobayo sannadka 2016-ka is-badalkeeda, iyadoo Dastuurku sheegayaa intaan la gaarin xilliga doorashada Sannadka 2016-ka ka hor waa in uu jaan-gooyo qaab dhismeedka siyaasadeed ee dalka uuna dhiso hay’adahii Dastuuriga ah ee laga maarmaanka ahaa intaasna waxaa saldhig u ah maxkamadda Dastuurka.

Khadro Maxamed oo iyadana ka hadashay dib u heshiisiiinta ayaa sheegtay inaan nahay dadka Soomaaliyeed dad hal diinka leh, isku eg, marka dhibta na dhexyaala ma ahan dhibaato kala duwaanasho ee waa mid maskaxeed. Waxay xustay Khadro in dadka Soomaaliyeed ay heshiis ku yihiin wax walba sida darisnimada, ganacsiga, wada-noolaashaha iyo guurka, laakiin qodobka siyaasadda kaliya ay ku kala tagsan yihiin, waxay dood dhex-dhigtay yaa u baahan dib heshiisiin, yaase u baahan in la dhex-dhigo, waxayna Khadro kusoo gaba-gabeysay hadalkeeda in Barnaamijyada dalka loo diyaarinayo 2016-ka in xoogga la saaro qodobka dib u heshiisiinta.

“Haddii dalka uusan sharci ka talin ee madax uun ka taliso waligeen dowladnimo heli mayno,” waxaa hadalkaas ka yiri shirka Garyaqaan C/waaxid Qalinle oo aad uga hadlay qodobka sharci dajinta dalka. Wuxuuna yiri. “Waa in la helaa hay’ado garsoor iyo hay’ado fulineed sida; booliiska iyo xabsiyada, waa in dalku yeeshaa si ummadda loogu kala xaq-sooro.”  Wuxuuna burburkii Soomaaliya ku sifeeyay in hay’adahii naga burbureen ee dadkii iyo dalkiiba wali jiraan haddana lagu dadaalayo in dib loosoo celiyo wixii naga burburay, lagana faaiidaysto waqtiga.

Dhanka kale, Abuukar Armaan ayaa hadal uu shirka ka jeediyay ku billaabay maxaa isku soo beega waqtiga iyo siyaasada. Wuxuuna tusaale u soo qaatay dhacdooyin badan, isagoo Fara-gelinta shisheeyaha ku fasiray inay Faa’iido iyo Khasaaro wada leedahay. Isagoo ka baxiyay sawir in xilligii Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo hadda,wuxuuna xusay in wixii waagaa jiray ay hadda jiraan, Wuxuuna ka hadlay Fara-gelinta iyo in dadka lagu kaciyo dalka ajnabi baa jooga.

Armaan ayaa aad uga Hadlay Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya, Kheyraadka Afrika, siyaasadda Maraykanka ee Somalia. Waxuuna yiri. “In la helo siyaasad mideysan oo ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan ayna ka koraan waxayabaha yar-yar ee ay isku haystaan oo faa’iidada ay raadinayaan ay noqoto mid ka weyn xildhibaan iyo wasiir nalama siin.”

Ugu dambeyn,shirka oo ahaa kii afraad ayaa midka xiga ee shanaad waxaa lagu wadaa in lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya haddii ALLE idmo.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Ohio Columbus, USA