4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
DAAWO: Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta si Kulul uga Hadlay Mooshinka laga Keenay
Axad, May 24, 2015 (HOL) —Xubnaha baarlamanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Baarlamanka ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay si kulul uga soo horjeesteen mooshinka ka dhanka ah maamulka Jubbaland ee la horgeeyay baarlamanka Soomaaliya.

Xubnaha baarlamanka ee maanta ka hadlay kulanka ayaa dhammaantood waxa ay kasoo horjeesteen mooshinka laga keenay baarlamanka maamulka Jubbaland, iyagoo sheegay in codka mooshinkaasi yahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Halkan ka daawo warbixin ku saabsan kulankii baarlamanka Jubbaland.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.