4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Siilaanyo oo Maanta Magacaabay Guddoomiyihii Maxkamada Sare iyo wakiilka S/land ee Itoobiya


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare iyo Wakiilka Somaliland u joogi doona dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu wuxuu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, halka ergayga Somaliland u fadhiyi doonaana Itoobiya u magacaabay  Maxamuud Aaden Jaamac Galaal.

“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Wareegto Madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo.

“Madaxweynuhu wuxu go’aansaday In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu wakiil u magacabay dalka IToobiya oo muddo billo ah aanay xilkaasi sii hayey ku xigeenka wakiilka xafiiska Somaliland ku leedahay dalkaasi.

“Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday in mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobya,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, magacowga labadda xil ayaa mudaba laga sugayey madaxweynaha, isagoo madaxweynuhu ku raagay inuu hore u buuxiyo jagooyinkan banaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland