4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Hoggaamiye ka Tirsan Mucaaradka Burundi oo la Dilay iyo Dibad-baxyo lagu baaqay (SAWIRRO)


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Hoggaamiyihii Xxisbiga Midowga Nabada & Horumarinta Burundi (UPD), Feruzi Zedi ayaa la dilay Sabtidii shalay, kadib markii bam-gacmeed lagu xooray goob uu ku sugnaa oo ay dibadbaxyo ka dhacayeen oo ku taalla Bujumbura, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dallad ay mudaaradka dalkaas ku mideysan yihiin.

Kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Burundi ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada kuwaasoo sheegay inay Aasayaan Hoggaamiyaha la dilay, waxayna ku baaqeen Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Burundi in la sameeyo dibadbaxyo dheeraad ah oo looga soo horjeedo madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza oo doonaya inuu mar saddexaad u tartamo hoggaanka dalkaas.

Weerarka lagu dilay Feruzi Zedi ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay laba qof oo kale; iyadoo ay ku dhaawacmeen 40-ruux oo kale, kuwaasoo intooda badan ahaa dadkii dibadbaxyada dhigayay marka laga reebo laba askari oo ciidamada booliiska dalka Burundi ka tirsanaa , iyadoo mucaaradku ay ku eedeeyeen inay xukuumaddu dilka Hoggaamiyahaan mas’uul ka ahayd.

Mucaaradka Burundi ayaa sheegay inay dib uga laabteen Wadahadallo ay doonayeen inay xukuumadda dalka Burundi la furaan, iyagoo ka bixidda wadahadalkaan sabab uga dhigay dilka Feruzi Zedi loogu geystay Bujumbura Sabtidii shalay ahayd.

“Lama furi doonno dowladda wax wadahadal ah, sababtoo ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa ururrada bulshada rayidka ah waxaa loogu goodiyay in la dilayo,” ayay ku yiraahdeen dallad ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Bulshada Rayidka ah War-saxaafadeed ay Wadajir u soo saareen maanta oo Axad ah.

Saraakiisha Xukuumadda Burundi ayaan weli wax war ah kasoo saarin eedeymaha ah inay iyagu ka dambeeyeen dilka hoggaamiyaha xisbiga UPD iyo inay mas’uuliyiinta horkacaya mucaaradka ugu hanjabeen dil.

Tan iyo markii ay Burundi ka billowdeen kacdoonnada Mudaaharaadyada ah ee looga soo horjeedo Nkurunziza ayaa waxaa ku dhintay 20 ruux oo ka mid ahaa mudaaharaadayaasha iyadoo ay ku dhaawacmeen 431-qof sida ay sheegtay Bisha Cas ee dalka Burundi.

Ugu dambeyn, Isniinta berri ah ayay mucaaradku ku baaqeen mudaaharaadyo dheeraad ah oo ay ka sameeyaan magaalada Bujumbura, iyadoo madaxweynaha dalkaasna uu weli kusii adkeysanayo inuu ka qayb-galayo doorashada dhici doonta bisha Juun ee sanadkan 2015-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya