4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
Danjire Kay oo Maanta Cambaareeyay Weerarkii Muqdisho loogu geystay xildhibaano baarlamaan


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia Nikolas kay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday labadii xildhibaan iyo darawalkii gaarigooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in QM ay ka go’an tahay mar walba sii wadidda  la shaqaynta Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Xildhibaan Yusuf Dirir iyo darawalkiisii ayaa lagu dilay weerar gaarigii ay wateen lagu qaaday shalay, xilli ay marayeen waddada Maka Al-Mukarama oo ah waddo muhiim ah. Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay weerarka xildhibaan Cabdalla Boos Axmed iyo ruux ilaalo u ahaa.

“Dilka la dilay Xildhibaan Yusuf Maxamed Dirir Waa fal Argagaxisinimo oo aad u Fool xun,“ ayuu yiri danjire Kay. Isagoo intaas ku daray. “Dilka xildhibaanka wuxuu ka dhigan yahay fal la doonayo in lagu handado waxna loogu dhimo kuwa doonaya in ay Soomaaliya u dhisaan mustaqbal wanaagsan.”

Weerarkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa waxaa geystay ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia sida ay sheegtay xukuumadda Somalia, iyadoo ciidankii ka dambeeyay weerarka laga dhaawacay lix askari.

Nicholas Kay ayaa hadalkiisa ku daray. “Waxaan u rajaynayaa xildhibaan C/lla Boos inuu si dhakhso ah u soo biskoodo, waxaana amaanayaa geesinimada ay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay inay hawshooda sii wataan, inkastoo ay weerarro joogto ku socdaan.”

Ugu dambeyn, Ergayga QM ee Soomaaliya ayaa Tacsi u diray ehellada Xildhibaanka iyo darawalkii geeriyooday, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay ka go’an inay sii waddo taageerada ay siinayso baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya