4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2015
SAWIRRO: Doorashooyin ka socda Itoobiya iyo Xisbiga EPRDF oo loo Saadaalinayo Guusha


Axad, May 24, 2015 (HOL) — Dalka Itoobiya ayaa Waxaa Axadda Maanta ah si rasmi ah uga billowday doorashada guud ee dalkaas, iyadoo loo saadaalinayo xisbiga talada haya ee EPRDF inuu ku guuleysto doorashada maanta dhacaysa.

Sadaasha ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemarian Desalegn uu dib ugu soo laabanayo Xafiiska, maadaama Xisbigiisa si aad u weyn loogu Saadaalinayo inuu ku guuleysan doono doorashooyinka.

Dadweynaha codkooda dhiibnaya ayaa lagu sheegay Tiradooda 37-milyan oo qof, kuwaas oo ka codeyn doona dhammaan deegaannada federaalka ah ee Itoobiya oo uu ka mid yahay deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Doorashadan aysan ahayn mid Xaq ah maadaama la dilay sida ay sheegeen hoggaamiye sare oo mucaaradka dalkaas ka tirsan, sidoo kalena la handaday xubnaha mucaaradka ah iyo wariyeyaasha.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemarian Desalegn ayaa hadal uu jeediyay maanta ku sheegay inuu xoogga saarayo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya iyo sidii dadka dalkaas ay ku heli lahaayeen shaqooyin, haddii doorashada uu ku guuleysto.

“Haddii EPRDF dib loo doorto, shaqo adag ayaan qaban doonnaa… waxaana ka shaqeyn doonnaa xoojinta awoodda Dhallinyarada Dalkeenna,” ayuu Desaleng ku yiri Hadalkiisa. Isagoo intaas raaciyay, inay xoogga saari doonaan Horumarinta Wax-soo-saarka Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Doorashooyinka Dalka Itoobiya ayaa Waxaa ku Tartamaya 58 xisbiyo Siyaasadeed ah oo doonaya inay ka mid noqdaan 547 kursi ee uu Baarlamaanka Itoobiya ka kooban yahay, iyadoo xisbigii ku guuleysta aqlabiyadda baarlamaanka uu dalkaas mar kale hoggaanka u qaban doono.

Xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF ayaa dalkaas xukumayay 24-sano oo xiriir ah ayaa horay ugu guuleysatay afar doorasho oo horay uga dhacay Itoobiya, iyadoo Itoobiya lagu tilmaamo dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu si aad ah sare ugu kacayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya